MAXAKAMADDA GOBOLKA MAROODI-JEEX OO DHAARISAY XILDHIBAAN KU BIIRAY GOLAHA DEGAANKA HARGEYSA
Madasha lagu dhaariyey Xildhibaan Mubaarig Cabdi Malaw waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Maxakamada Gobolka Faysal Dhego-dhego, Maayar ku xigeenka Somaliland Cabdicasiis Cago-weyne, Xildhibaan Dogox iyo Xubno kale.
Maayar xigeenka oo hadal kooban ka jeediyey Madasha ayaa Xildhibaanka si niyad sami ahugu soo dhaweeyay Golaha degaanka. Waxa uu tacsi u diray Ehelka iyo Golaha degaanka ee uu ka baxay Marxuum Deeq Ducaale.
Xildhibaan Mubaarig Cabdi Malaw isna halkaasi ka jeediyay Hadal kooban ayaa Bulshada Reer Hargeysa ka codsaday inay ugu duceeyaan In Alle ku asturo Xilka uu qaaday oo uu ku sifeeyay mid culus. Waxa uu u mahadceliyey Golaha degaanka intii kala soo qayb gashay Dhaarintiisa. Waxa uu sidoo kale balanqaadya inuu dhaartaasi oofin doono.
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com

0 