Kenya:Dhismaha Guri Dabaq Ah Oo Ku Dumay Xaafad Ka Mid Ah Kuwa Nairobi, Khasaaraha Ka Dhashay

0
Saturday April 30, 2016 - 16:37:54 in by salman abdi
  • Visits: 601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya:Dhismaha Guri Dabaq Ah Oo Ku Dumay Xaafad Ka Mid Ah Kuwa Nairobi, Khasaaraha Ka Dhashay

    dad tiradoodu lagu sheegay 7 qof ayaa ku geeriyooday ka dib markii uu ku soo dumay guri dabaq ah oo ku yaala xaafada Haruma ee magaalada Nairobi. Ciidamada booliska ayaa sheegay inay xaafadan u badan yihiin dadka danyarta ah ee awoodooda dhaqaale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dad tiradoodu lagu sheegay 7 qof ayaa ku geeriyooday ka dib markii uu ku soo dumay guri dabaq ah oo ku yaala xaafada Haruma ee magaalada Nairobi. Ciidamada booliska ayaa sheegay inay xaafadan u badan yihiin dadka danyarta ah ee awoodooda dhaqaale hoosayso.




Roobab aad u xoog badan oo ka da,ay magaalada Nairobi ee
Shaqaalaha gargaarka caafimaadka oo ku hawlan daad guraynta dadka ay dhibaatada ka soo gaadhay guriga dabaqa ah ee dumay iyo baadhitaanka ay ku raadinayaan dad ay aaminsan yihiin inay wali ku hoos jiraan dhismaha dumay, iyaga oo agagaarka dhismaha dumayna ay ka rareen 120 qof. xarunta dalka Kenya ayaa la sheegay inay sababeen dumitaanka dhismahan , waxaanay hay’adda bisha cas ee dalka Kenya ay sheegtay in gurigan dumay la dhisay laba sanadood ka hor.

 

Sidoo kale dad kale oo ku dhaawacmay dhismaha dumay ayaa la dhigay cusbitaalada magaalada Nairobi kuwaas oo qaar ka mid ah dhaawacyadooda aad u culus yihiin.

Ciidamada Kenya iyo shaqaalaha gurmadka ayaa wali ku sugan goobta uu dhismaha dumay ku yaalo, kuwaas oo diyaar u ah inay samata bixiyaan dadka laga helo halkaasi.


Dhinaca kale madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa goor dhawayd amar ku bixiyey in la soo qabto isla markaana la xidho ninkii iska lahaa guriga dabaqa ah ee dumay.