Wasiirka Deegaanka Oo Maanta Dhagax Dhigtay Xarun Ay Wasaarada Deegaanku Ku Yeelan Doonto Magaalada Laascaanood.

0
Thursday May 22, 2014 - 16:41:00 in by Super Admin
  • Visits: 1039
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Deegaanka Oo Maanta Dhagax Dhigtay Xarun Ay Wasaarada Deegaanku Ku Yeelan Doonto Magaalada Laascaanood.

    Wasiirka Degaanka iyo Badhasabka Gobolka Sool waxa kale oo ay dhagax dhigeen beer loogu talo galay in lagu beero dhirta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Degaanka iyo Badhasabka Gobolka Sool waxa kale oo ay dhagax dhigeen beer loogu talo galay in lagu beero dhirta

Wasiirka Wasaarada Deegaanka Iyo Horumarinta Miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil(Baandare) ayaa maanta gaadhay magaalada laas-caanood ee xarunta gobolka sool.

U jeedada safarka wasiirka ayaa la xidhiidhay sidii ay u dardar galin lahayd shaqada ay wasaarada deegaanka iyo horumarinta miyigu u hayso qaranka.

Wasiirka deegaanka ayaa xafiiskiisa magaalada laascaanood kulan kula qaadatay guddoomiyaha gobolka sool Mudane Maxamed Faarax Aadan waxaana guddoomiyaha gobolka sool uu wasiirka deegaanka uga waramay xaalada gobolka sool .

Kulankaasi markii uu dhamaaday wasiirka deegaanka iyo guddoomiyaha gobolka sool waxa ay dhagax dhigeen xarunta wasaarada deegaanka ay ku yeelan doonto magaalada laascaanood iyo beer loogu talo galay in lagu beero dhirta oo iyadana laga dhagax dhigay dhinaca galbeed ee magaalada laascaanood .

Wasiirka deegaanka ayaa waxa kale oo ay kulan la qaadatay shaqaalaha wasaarada deegaanka ee gobolka sool gaar ahaana kuwa ku sugan magaalada laascaanood ee xarunta gobolkaasi.




Contact@afkashacabka.com