Daawo: Turkiga oo sannadkan si weyn looga xusay 18ka May iyo Ardayda Wax ka barata halkaas oo xus ballaadhan u sameeyey
Munasibada Waxa ka hadlay Guddomiyaha Ardayda Reer Somaliland ee Waddankaasi Turky ga wax ka barata iyo ....
Munaasibad lagu xusayay sannad guuradii 23aad ee kasoo wareegtay goonni-iskutaaggii jamhuuriyadda Soomaaliland ayaa lagu qabtay magaalada Istanbuul ee Caasimadda waddanka Turkiga.
Madasha xafladdan oo ahayd mid si heersare ah laysugusoo dubbariday ayaa waxa kasoo qayb galay jaaliyadda Soomaalilaan ee waddankaas ku dhaqan, ururka midawga ardayda qaaradda Africa iyo xubno kasocday jaaliyadaha dalalka jaarka sida Jabbuuti iyo Soomaaliya.
Ugu horrayn,waxa xafladdaas ka hadlay guddoomiyaha ardayda Soomaliland ee wax kabarata waddanka Turkiga, ahna guddoomiyaha guddida qabanqaabada xuska 18-ka May, Maxamed Jaamac Cali, isaga oo hambalyo u diray dhammaan shacbiweynaha Soomaalilaan meel kasta oo ay ku sugan yihiin, Ilaahayna uga baryay inuu u siyaadiyo nabadda iyo xasilloonida.
Waxa isna sidoo kale madashaas ka hadlay guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalilaan ee Turkiga Siciid Aadan Daahir oo si weyn ugu mahadnaqay jaaliyaddu sida waddaniyadda leh ee ay uga qayb qaateen xuska 18-ka May.
Labada guddoomiye waxay si wada jir ah mahadnaq weyn ugu jeediyeen wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo xafladdan gacan weyn kulahaa, kaalin mug lehna ka qaatay
Gebogebadii munaasibaddan waxa soo afmeertay marwo Farduus Cige oo kasocotay xisbiga UCID, iyada oo si qotodheer uga warrantay halgankii dheeraa ee Soomaalilaan loo soo maray iyo sida ay ku timid maalintani, waxaanay xustay inay halkaa kasii wadi doonaan dedaalka ilaa inta ay ka helayaan icitiraaf buuxa bulshada caalamka.
Munaasibadda xuska 18-ka May ayaa noqonaysa tii ugu ballaadhnayd abid ee ka qabsoonta waddanka Turkiga,waxaana intii ay xafladdaasi socotay madasha lagusoo bandhigay ciyaaro kala duwan sida ciyaarta Hirwada, Saylicida, Dhaantada i.w.m kuwaasoo idil ahaantoodba soo jiitay indhaha kasoo qayb-galayaasha.

.

Naciima Qaasim Jaamac
Email:naimakassim22@yahoo.com
Istanbul, Turkey.

0 