Xoghayaha Maaliyada ee xisbiga UCID Marwo Faadumo Saciid ayaa la kulantay Elisabeth Naucler oo ka tirsan Baarlamaanka Finland.

0
Thursday May 22, 2014 - 17:11:41 in by Super Admin
  • Visits: 1586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Maaliyada ee xisbiga UCID Marwo Faadumo Saciid ayaa la kulantay Elisabeth Naucler oo ka tirsan Baarlamaanka Finland.

    Faadumo Saciid ayaa ku casuuntay in ay booqasho Elisabeth Naucler ku timaado Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faadumo Saciid ayaa ku casuuntay in ay booqasho Elisabeth Naucler ku timaado Somaliland


Marwo Faaduma Saciid ayaa u sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay kulankan ay la qaadatay Elisabeth Naucler, islamarkaana waxa ay warbixin ku saabsan Barlamaanka Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyada siiyey Elisabeth Naucler. Waxa kale oo ay Faadumo Saciid kala hadashay sidii dawlada Finland ay gacan uga geysan lahayd ka midho dhalinta  citiraaf raadinta somaliland iyo sidii ay dawlada Finlan ay door muhiim ah uga qaadan lahayd horumarka iyo taaba gelinta dimuqraadiyada Somaliland.

faadumo_fin_01

Elisabeth Naucler waxa ay aad ugu dheeraatay sida ay ugu farxsantahay horumarka fiican ee ka socda Somaliland. Taasina ay tahay mid la dhiiri geliyo oo aan indhaha laga qarsan karin, Waxaanay  ku ballan qaaday in ay ka  shaqeyn doonto sidii aqoon isweydaarsi loo sameyn lahaa ku saabsan labada Gole ee Somaliland iyo Finland iyo in ay hadda laga bilaabo ay u hawl geli doonto sidii ay citiraafka Somaliland raadintiisa wax ugu tari lahayd.

Geesta kale Faadumo Saciid ayaa ku casuuntay in ay booqasho Elisabeth Naucler ku timaado Somaliland si ay indhaheeda ugu soo aragagto nabada iyo horumarka ka socda somaliland, Martiqaadkaas oo iyana ay aqbashay , iyada oo ku iman doonta booqasho rasmi ah Somaliland. Kulankan ayaa ku soo gabagaboobay jawi aad u fiican oo farxadi ka muuqato.





Contact@afkashacabka.com