Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Millateriga Itoobiya oo kulan ku yeeshay Addis Ababa kana Wada Hadlay Ammaanka Soomaliya iyo Sidi wada jir loogu cidhibtiri lahaa ALSHABAB

0
Sunday February 16, 2014 - 09:03:41 in by Super Admin
  • Visits: 1151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Millateriga Itoobiya oo kulan ku yeeshay Addis Ababa kana Wada Hadlay Ammaanka Soomaliya iyo Sidi wada jir loogu cidhibtiri lahaa ALSHABAB

    Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Millateriga Itoobiya oo kulan ku yeeshay Addis Ababa kana Wada Hadlay Ammaanka Soomaliya iyo Sidi wada jir loogu cidhibtiri lahaa ALSHABAB

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Millateriga Itoobiya oo kulan ku yeeshay Addis Ababa kana Wada Hadlay Ammaanka Soomaliya iyo Sidi wada jir loogu cidhibtiri lahaa ALSHABAB

Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo safar shaqo ku jooga magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Ciidammada Millateriga Itoobiya Jen. Samora Muhammad Yunis.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Millateriga Itoobiya dhex-maray oo qayb ka ah kulammada uu Raysal-wasaaruhu Addis Ababa kula yeelanayo Masuuliyiinta dawladda Itoobiya, waxay kaga wadahadleen xoojinta nabadgelyada Soomaaliya iyo dib-u-xoraynta deegaannada ay Kooxda Al-Shabaab gacanta ku hayso oo ay tilmaameen inay muhiim tahay in lagula dagaallamo oo gacanta dawladda lagu soo celiyo.


Sidoo kale, Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Weftiga uu hoggaaminayo ee booqashada saddexda maalmood ah ee ay Jimcihii ku tageen Addis Ababa ku guda-jiraa, waxay booqasho ku tageen mid ka mid ah xarumaha ay leedahay Wershadda weyn ee dalka Ethiopia, taasoo qabata hawlo kala duwan oo ay ka mid yihiin samaynta qalabka Baabuurta, Baabuurta Ciidammada iyo Rasaasta.

 

 

Itoobiya waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan Askari oo dhawaan ka mid noqday kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana kulanka Cabdiweli iyo Yunis diiradda lagu saaray sidii Ciidammada Itoobiya ay qayb weyn uga qaadan lahaayeen xal u helidda nabadgalyo-xumada Soomaaliya.

 

 

Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa hore ula kulmay dhiggiisa dalka Itoobiya Hailemariam Desaleng iyagoo kawada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo sidii Itoobiya ay qayb uga qaadan lahayd howlgallada lagu soo celinayo nabadda iyo deggenaashaha Soomaaliya, ka dib 23-sano oo colaado ka taagnaayeen.

 


Afkashacabka.com
Addis ababa/ Ethiopia