Haween Afrikaan Ah Oo Aasaasay Sherkad Duulimaadyada Ka Shaqaysa.

0
Friday May 06, 2016 - 16:09:56 in by Burco Office
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haween Afrikaan Ah Oo Aasaasay Sherkad Duulimaadyada Ka Shaqaysa.

    Shirkaddii duullimaad ee ugu horraysay ee haween Afrikan ah yeeshaan oo la yidhaa Fly Blue Crane, ayaa hawsheeda si rasmi ah uga bilowday madaarrada caalamiga ah ee Koonfur Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkaddii duullimaad ee ugu horraysay ee haween Afrikan ah yeeshaan oo la yidhaa Fly Blue Crane, ayaa hawsheeda si rasmi ah uga bilowday madaarrada caalamiga ah ee Koonfur Afrika.


Shirkaddan duullimaadyad oo sannad ka hor ah la aasaasay ayaa duullimaadkeeda ugu horreysa ka bilaabaysa madaarka magaalooyinka Cape Town iyo Kimberly ee dalka Koonfur Afrika, 13ka bishan lagu jiro ee May, iyadoo lacagta duullimaadada ah ee labadan madaar loogu kala safrayo dhan tahay $103 (one way), kadibna waxay shirkaddu duullimaadyadeeda ka wada bilaabi doonta magaalooyin kala duwan oo ku yaal dalkaas.

Fly-Blue-Crane-CEO-with-professional-cabin-crew

Sida lagu sheegay warbixin uu diyaariyey telefishanka News24 ooMaankaab xigtay, sannadkii 2015, ayaa shirkadda Blue Crane loo oggolaaday duullimaadyada, kana hawlgeli karto dalalka Swaziland iyo Mozambique.

Haweenay la yidhaa Sizakele Mzimela oo ka mid ah dumarka aasaasay shirkadda, isla markana madax u ah sirkadda Fly Blue Crane, horena u ahaan jirtay madaxa shirkadda South Afrikan Airways, ayaa noqotay gabadhii ugu horraysay ee 71 sanno loo magacaabo Ururka Duullimaadyada Caalamiga ah (International Air Transport Association), kaas oo ay ku bahoobeen 117 dal, ayaa xubnahiisu 83% yihiin dadka maamula shirkadaha duullimaadyada adduunka.

Haweenka shirkadan iska leh ayaa badankoodu 20 sanno ku soo jiray duullimaadyada iyo madaarada, isla markaana ay aqoon u leeyihiin nidaamka duullimaadyada caalamiga ah. Tusaale ahaan haweenayda madax ka ah diyaaradan waxa ay ahaan jirtay Madaxa Shirkada Duulimaadyada Koonfur AFrika iyo waliba Guddoomiyaha Ururka Duullimaadyada Afrika ee AFRAA (African Airlines Association).

"Waa kaftankii ugu weynaa, ma waxay idinla tahay in aanan booskan hayn karin muddo 12 bilood ah, waxaan xannaanaynayey dad ajenebi ah muddooyin badan,” ayey tidhi gabadha guddoomiyaha ka ah shirkadda diyaaradaha ee ay leeyihiin haweenka reer Afrika.