Dawladda Uganda Oo Ka Niyad Jabtay Si Joogitaanka Wadanka Somaliya.

0
Saturday May 07, 2016 - 08:33:48 in by salman abdi
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Uganda Oo Ka Niyad Jabtay Si Joogitaanka Wadanka Somaliya.

    Dawladda Uganda ayaa ka fekereysa sii joogista ciidankeeda kaga sugan dalkaasi Soomaaliya iyo waddanka kale ee Jamhuuriyadda Afrikada dhexe iyadoo loo saaray guddi qiimeeya sii joogista ciidamada ee dalalkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Uganda ayaa ka fekereysa sii joogista ciidankeeda kaga sugan dalkaasi Soomaaliya iyo waddanka kale ee Jamhuuriyadda Afrikada dhexe iyadoo loo saaray guddi qiimeeya sii joogista ciidamada ee dalalkan.



 

Afhayeenka ciidamada Uganda Colonel Paddy Ankunda ayaa sheegay in guddi gaar ah loo sameeyay inay ka so tala bixiyaan joogitaanka ciidamada Uganda ee labada dal, isagoo intaa raaciyay in talo soo jeedintooda la tixgelin doono.Arrintan ayaan ahayn markii ugu horreysay ee dib u eegis lagu sameeyo hawlgalka ciidamada Uganda ee dalka Soomaaliya, balse waa markii ugu horreysay ee la soo hadal qaado in ciidanka lagala soo baxo.

Ilo xog ogaal ah oo diiday in la shaaciyo ayaa BBC u sheegay in Madaxweyne Yoweri Museveni uu sheegay diblomaasiyiin shisheeye inay suurtagal tahay in labada hawlgal ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe la soo afjaro.

Ciidamada Uganda ayaa waxay gacan weyn ka geysteen degenaanshaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo deegaano ku dhow dhow.Hase yeeshee waxaa lagu eedeeyaa ciidamada Uganda inay dad rayid ah ku waxyeeleeyeen dalka Soomaaliya mudadii ay joogeen iyagoo dhowaan dad rayid ah ku diley magaalooyinka Marka iyo Buulo Mareer ee gobolka Sh/hoose.

Mudadii ay joogeen ciidamada Uganda ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay faraxumeyn ku sameeyeen haween Soomaaliyeed. Dagaalada ay la galeen ururka Alshabaab ciidamada Uganda ayaa la sheegay in askar badan loogaga dilay.

Ciidamada Uganda ayaa ah kuwa ugu badan ee ka socda dalalka Afrika ee ka howlgala dalka Soomaaliya iyadoo tirade ciidamada ka jooga Soomaaliya lagu sheego inay gaareyso 6000 oo askari.