Madaxwaynayashi Hore Ee Dalka Somaliya Iyo Maamulka Puntland Oo Si Rasmi Ah Loogu Casuumay Maalinta Dabaal-Degga Qaranimada Somaliland.

0
Saturday May 07, 2016 - 10:08:46 in by salman abdi
  • Visits: 661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynayashi Hore Ee Dalka Somaliya Iyo Maamulka Puntland Oo Si Rasmi Ah Loogu Casuumay Maalinta Dabaal-Degga Qaranimada Somaliland.

    maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ku martiqaaday dabaal-degga maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May ee sannadkan. Ilo xogogaala ayaa wargeyska Geeska Afrika u sheegay in labada siyaasi ee reer Somaliya si rasmi ah loo gaadhsiiyay martiqaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ku martiqaaday dabaal-degga maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May ee sannadkan. Ilo xogogaala ayaa wargeyska Geeska Afrika u sheegay in labada siyaasi ee reer Somaliya si rasmi ah loo gaadhsiiyay martiqaadkan islamarkaana ay si rasmi ah u soo aqbaleen, cadeeyeena inay ka soo qayb galayaan maalinta la soo noqoshada xorriyadda Somaliland oo sannadkan 25 jirsatay.



Waxa ay wararku intaas ku darayaan in Sheekh Shariif iyo Faroole, la siin doono wakhti ay jeediyeen khudbado inta lagu gudo jiro dabaal-degga maalinta qaranimada Somaliland.
Xubno ka tirsan guddiga ictiraaf raadinta Somaliland, ayaa la sheegay inay xukuumadda u soo bandhigeen aragtidan taas oo ay xukuumaduna ka aqbashay.

Waa markii u horaysay ee siyaasiyiin ka tirsan dalka Somaliya lagu soo martiqaado mid ka mid ah munaasibadaha loogu dabaal-deggo maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May oo ah maalintii ay shacabka Somaliland xorriyadoodii luntay kala soo noqdeen dalka Somaliya.

Source Geeska