Daawo:Munaasibado Loo Sameey Buug Qoraa Reer Awdal Iyo Suugaanta Hal Abuur Reer Saaxil Iyo Weedhii laga Soo Jeediyey

0
Saturday May 07, 2016 - 14:52:03 in by Burco Office
  • Visits: 705
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Munaasibado Loo Sameey Buug Qoraa Reer Awdal Iyo Suugaanta Hal Abuur Reer Saaxil Iyo Weedhii laga Soo Jeediyey

    Burco(AFKA)Masuliyinta Gobolka iyo Degmada Burco ayaa Kaqaybgalay Munasibado lagu soo Bandhigayey Buugaag uu Qoray Mid kamida Aqoonyahanada Gobolka AWDAL oo la yidhaa Proff Dheeg iyo Suugaanta Mid kamida hal abuurada Dhalinyarada ah ee Gobolka Saaxil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA)Masuliyinta Gobolka iyo Degmada Burco ayaa Kaqaybgalay Munasibado lagu soo Bandhigayey Buugaag uu Qoray Mid kamida Aqoonyahanada Gobolka AWDAL oo la yidhaa Proff Dheeg iyo Suugaanta Mid kamida hal abuurada Dhalinyarada ah ee Gobolka Saaxil oo layidha Cabdinasir Afrika.

Munasibaddan oo ay soo Qaban Qaabiyeen Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan kana soo qaybgaleen Dhalinyarada Gobolka Togdheer ayay hadalo dhiiirgelin iyo ammaan u badnaa ka soo jeediyeen Qoraayo, suganyahano , Aqoonyahano iyo Xubno ka kala socday Hargeysa, Berbera iyo Degmada Sheekh. Iyo Masuliyinta Naadiga Halkaraan.
Qoraa Prof Dheeg ayaa Muhiimadda Qoraalku leeyahay iyo wakhtigii ugu badnaa ee uu buug kamida buugtiisa uu qoray halkaasi ka sheeegay,
Qoraaga aya halkaas lagu guddonsiyey shahaado sharafyo ay guddoonsiiyeen ardayda jamacada addis iyo hadyado kale.
Dhinaca kalen Hal abuur Cabdinasir Afrika aya isna Munasibadda ka jeediyey Suugaantiisa isagoo dhalinyarada kula dardaarmay Baadigoobka Guusha iyo horumarka.
Gebogabadiin Kuxigenka Duqa Degmada Burco Mr Xoday iyo BadhasabkaTogdheer Maxmed Ibrahin Qabo ayaa ad u ammaanay Qoraaga, Hal abuurka iyo Naadiga Halkaraan waxayna ku dhirigeliyeen dedaalkooda.

Cabdirisaaq Koronto 
bURCO /Office 
Contacte:Koronto935@gmail.com