Sheekh:-Khasaaraha Ka Dhashay Shaqaaqo Dhex-martay Dhallinyarro Dalxiisayaal Ahaa Iyo Booliska Degmada Sheekh.

0
Saturday May 07, 2016 - 16:03:16 in by salman abdi
  • Visits: 706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh:-Khasaaraha Ka Dhashay Shaqaaqo Dhex-martay Dhallinyarro Dalxiisayaal Ahaa Iyo Booliska Degmada Sheekh.

    Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Sheekh Ammiin Maxamed Cabdi, ayaa ka hadlay shaqaaqo dhex martay booliska degmada iyo koox dhalinyarro ah oo dalxiisayaal ah oo ka yimid magaaladda Burco oo tegay Buurta Sheekh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Sheekh Ammiin Maxamed Cabdi, ayaa ka hadlay shaqaaqo dhex martay booliska degmada iyo koox dhalinyarro ah oo dalxiisayaal ah oo ka yimid magaaladda Burco oo tegay Buurta Sheekh.



Waxaanu sheegay taliyaha saldhiga booliska degmadda Sheekh in halkaa ku dhex martay shaqaaqo uu ku dhaawacmay hal qof oo ka tirsan dhalxiisayaasha ka yimi Burco.

Taliye Ammiin, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay DAWAN, ayaa tilmaamay in degmadda sheekh ay dhibaato ku hayaan dadka dalxiiseyaasha ah ee u daawasho yimaadda oo u badan dhalinyarro ka kala yimaadda magaalooyinka dalka.

Waxaanu intaasi ku daray taliyuhu in dhalinyaradaasi dalxiiseyaasha ahi iyagoo kooxo ah si anshax darro ahna u balisan Wiilal iyo Gabdho-ba in ay tagaan Buurta Sheekh, kadib-na ay ogolaanshiyo la’aan ku galaan Beeraha ku yaalla halkaasi, isla mar ahaantaan ay Midho ama khudrad iyo waxyaabo kale ka goostaan. Taasina ay tahay arrinta inta badan keenta in ay isku dhacaan kooxaha dhalinyarada ah iyo dadka beeralaydda ah.Waxaa kale oo uu sheegay in wiilka shalay ku dhaawacmay shaqaaqadaasi ay ka dhalatay dib markii ciidamadda boolisku ay joojiyeen dhalinyaradaasi dalxiiseyaasha ahaa, isla markaana ay fareen in ay si nidaamsan u socdaan qof masuul ahna iska soo saaraan oo hor jooge u noqda.

Kadibna ay dhalinyaradaasi dalxiiseyaasha ahaa diideen amarkii ay ciidanku u jeediyeen, isagoo xusay taliyuhu in kooxdaasi dhalinyaradda ahaa ay isku deyeen in ay askariga qoriga ka qaadaan. Kadib-na askarigu Xabad ama Rasaas uu riday oo dhulka ku dhacday ay Danab-kacday oo ay wiil ka mid ahaa dalxiisayaasha Lug kaga dhacday. Kaasoo uu dhaawiciisu fudud yahay loona qaaday Cusbitaalka magaaladda Burco oo lagu dawaynayo. "Magaalada Sheekh waxaa ku taalla Buurta wayn ee dawgu maro, waxaanan ku qabnaa dhib aad iyo aad u weyn oo aan kala joogsi lahayn, taana waxaa u sabab ah dhalinyaro Wiilal iyo Gabdho ah oo intay kooxo kooxo isu soo kaxaystaan iyagoo aanay cidina wadin Iskuul-na aan ka socon oo si anshaxa ka baxsan u soo labista, oo wax yar oo qafiif ah habluhuna soo gashadaan, Wiilashuna garan iyo surwaal gaaban soo xidhaan ayay buurta yimaadaan oo ay cidlooyinkaa isula soo baxaan. Waxaasina ma aha dalxiis ee waa dhaqan xumo”ayuu yidhi taliyuhu.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi "Dadka dalxiiseyaasha ah gaar ahaan dhalinyaradu khatar dhibaato ayay nagu hayaan. Waxay khatar noogu hayaan, waxaa noo yimaada Wiilal iyo Gabdho dhalinyaro ah oo aanay cidina wadin oo waliba Faashash sita, oo intay buurta isla tagaan bannaanada seexda, oo aanu habeen kasta ka soo ururinaa, oo aanu saldhiiga seexinaa, subaxdana dib u celinaa.

Waxa kale oo khatar ay ku yihiin ammaanka oo intay beeraha iska galaan ayay waxay doonaan ka goostaan kadibna waxaa uu dagaal dhex maraa dadka beeralayda ah iyo dhalinyaradaasi, waana sababta ay Faashashka u soo qaataan. Waxaa kale oo ay khatar ku yihiin akhlaaqda wanaagsan iyo dhaqanka Islaamka ee suuban oo waa Wiilal iyo Gabdho isla soo baxay iyadoo habluhu aanay xidhnayn wax asturan oo ay iska qaawanaan yihiin iyo Wiillal dhafooro xiiran oo saraawiil gaa-gaaban iyo garamo xidhan, oo ku odhanaya dalxiis ayaanu nahay, ayaa buurtii wareeriyay. Kuma jiraan kuwa dugsiaydda ka yimaadda ee ardayda ah, inta badan macalimiintooda ayaa la socda. Laakiin kuwa dhibaatada nagu hayaa waa kuwa iska socda”.

Isagoo ka hadlayay sida ay shaqaaqadii shalay u dhacday iyo wixii sababay, waxa uu yidhi "Haddii aan u soo noqdo sida uu ku dhaawacmay wiilkan maanta(shalay) Xabadu ku dhacday,waxay ahaayeen koox dhalinyaro ah oo Burco ka timid oo Buurta tegay, waxaanay u socdeen si bilaa qaab ah arday-na may ahayn cid masuul ah oo wadayna may jirin, markii ay askartu ku yidhaahdeen cid idinka masuul ah iska soo saara oo idin wada way diideen waxaanay iku dayeen in ay askariga qoriga kaba qaadaan ka dibna xabad ayuu riday oo ku dhacday dhulka xabadii ayaana danab kacday oo wiil ayay kaga dhacday lugta dhaawiciisuna wuu fudud yahay,waxaanan u qaaday wiilkii dhaaaca ahaa Burco oo imika waxaa lagu dawaynayaa Cisbitaalka guud ee Burco waanu fiican yahay.”

Dhinaca kale taliyaha ayaa ugu baaqay dadka waalidiinta ah in ka war-hayaan halka ay caruurtoodu tegayaan, isagoo sidoo kalena u soo jeediyay ciidamadda jooga Kaantarooladda ay ka soo baxaan dhalinyaradaasi in ay hubiyaan. Waxaanu yidhi "Markaa waalidiinta waxaan ku dardaarayaa in ay ogaadaan halka imahoodu tegayo iyo cidda kaxaynaysa ee masuuliyadooda qaadaysa. Waxaa kale oo aan Kaantaroolada magaalooyinka ay ka soo baxayaan iyagana ku adkaynayaa in aanay soo dayn dhalinyaro kalidood ah oo sheeganaya in ay soo dalxiisayaan.”

Taliyaha wuxuu intaa ku daray in ay xidheen askarigii riday rasaastii dhaawacday Wiilka "Askarigii wuu xidhan yahay waxaanan u soo dhaadhicin qaybta booliska Gobolka Saaxil ee Berbera imikana waxaan la joogaa wiilkii dhaawacmay oo Burco lagu dawaynayo dhaawiciisuna wuu fudud yahay”ayuu yidhi Aamiin.