Ururka Solja Oo Ka Hadlay Doorka Ay Guddida Doorashada, Xisbiyada, Xukuumada Iyo Shacabku Ku Leeyihiin Gaabiska Diwaan Gelinta Iyo Baaq Ay Dirayaan

0
Saturday May 07, 2016 - 17:28:25 in by salman abdi
  • Visits: 519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Solja Oo Ka Hadlay Doorka Ay Guddida Doorashada, Xisbiyada, Xukuumada Iyo Shacabku Ku Leeyihiin Gaabiska Diwaan Gelinta Iyo Baaq Ay Dirayaan

    ururka suxufiyiinta somaliland ee Solja ayaa ka hadlay gaabiska ilaa hada ka muuqda diwaan gelinta codbixiyayaasha ee gobolka Maroodi Jeex.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ururka suxufiyiinta somaliland ee Solja ayaa ka hadlay gaabiska ilaa hada ka muuqda diwaan gelinta codbixiyayaasha ee gobolka Maroodi Jeex.


Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu dadweynaha Reer Somaliland ugu baaqayaa inay si mug leh uga qayb qaataan Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha si ay usoo doortaan cidii hogaamin lahayd, maadaama Doorashooyinka soo socdaa ay yihiin fursado kale oo ay u haystaan inay ku soo xushaan hogaamiyayaashii maamuli lahaa.warsaxaafadeed uu soo saaray hogaanka ururka Solja oo nuxul ka mid ahi soo gaadhay shebekedda afkashacabka ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

Diiwaangalinta Cod-bixiyayaashu waa xuquuq ay muwaadiniinta reer Somaliland iska leeyihiin isla markaana Dastuurka Dalka iyo Xeerarka Doorashooyinku xaq u siiyeen inay ku soo dooran karaan hogaanka ay isleeyihiin wuxuu idin gaadhsiin karaa horumar ka baaxad weyn ka imika xilka haya, arrintaas oo ay go’aan ay iska leeyihiin inay ku keenaan kolba ashkhaasta ay u arkaan inay leeyihiin Aqoon, waayo aragnimo iyo karti wax ka tarta baahiyahooda.

 

Ururka SOLJA waxa uu isha ku hayaa hanaanka ay usocdaan nidaamka Diiwaangalinta iyo Doorashooyinku iyagoo door muhiim ah ku leh wax ka qabashada kolba halka ay ku jirto danta Codbixiyayaasha iyo Danta Qaranka Somaliland, maadaama ay yihiin Hawlo Qaran oo in hareeraha laga istaago ay tahay masuuliyad wada saaran shacbiweynaha Somaliland.

SOLJA iyadoo ka duulaysa masuuliyadda saaran waxay hore ugu bandhigtay Komishanka Doorashooyinka Talooyin ku saabsan caqabada ka hor timid Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha, taasoo ay masuuliyadda Koowaad ay iyaga saarnayd inay wax ka qabtaan hase yeeshee iyaga oo aan Tixgalin warbixinihii hore u yaalay xafiiska iyo talooyinkii la siiyey ayey qaadeen wadadii hore ugu keenay caqabadaha Diiwaangalimihii fashilmay iyo Doorashooyinkii khataraha badnaa ee dirqiga lagaga badbaaday, kuwaas oo ay sabab u ahaayeen Wacyigalin la’aanta Bulshada kala soo darista Hanaanka Doorashooyinka.

SOLJA oo qayb ka ah Ururada Bulshada Rayidka ah isla markaana xog Ururin rasmi ah ku samaysa hanaanka Doorashooyinka iyo Diiwaangalinta waxay u aragtaa caqabada ka hor timid Diiwaangalinta inay tahay Komishanka oo Saxaafadda baal maray isla markaana aan bulshada gaadhsiin Farriimo Manfac leh, isla markaana aan diyaarin Agab ku filan oo la mariyey Dariiq sax ah.

Sidaasi daraadeed, Ururka SOLJA waxa uu soo koobayaa sababaha uu u arko inay keentay dhibta ka taagan inay Dadweynuhu is-diiwaangalin waayaan:-

 

1.  Komishanka Doorashooyinka oo aan gacanta ku haynin dhaqaalaha lagu maamulo Diiwaangalinta, isla markaana toosin kari waayey hay’adaha ka caawiyey Wacyigalinta sida IOM iyo komyuunakis.

2.Komishanka oo bilowgii Diiwaanglinta si wagash wagash ah uga bilaabay Gobolka Togdheer isla markaana qaaday talaabooyin aan bislayn.

3. Komishanka Doorashooyinka iyo Ururada Wacyigalinta la siiyey oo aan isticmaalin Culimada, Madax dhaqameedka, Xildhibaandda, Saxaafadda iyo dadka saamaynta ku leh bulshada dhexdeeda isla markaana Farriimaha warbaahinta la mariyey illaa bilowgii illaa maanta ay yihiin Hal Farriin ah oo aan dib loo eegin ama aan la cusboonaysiin.

4. Natiijo ka soo saarid la’aanta Goboladdii ay Diiwangalintu ka dhacday, taasoo abuuri lahayd tartan goboladda dhexdooda ah sida Burco iyo Borama.

5.  Adeegsigii uu Komishanka Doorashooyinku u isticmaaleen xisbiyada xafladihii lagu daah-furayey Diiwaangalinta Goboladda oo isku bedeshay Olole sharci darro ah isla markaana Markii danbe Komishamku joojiyeen.

6. Komishanka Doorashooyinka oo aan illaa hada ka hadal ama caadaystay-ba inaanay bulshada u soo bandhigin caqabadaha ka hor yimid Diwaangalinta ama aan keenin Dariiq wax ka taraya inay diiwangalintu si ka xoog badan uga qabsoonto goboladda hadhay.

7. Komishanka Doorashooyinka oo nidaamka ay Diiwaangalintan u dhigeen la mid tahay tii Madaniga ahayd ee istaagtay ee ay xukuumaddu maamulaysay, iyada oo aanay bulshadu wada qaadan, taasoo caqabadihii ay dhigtay saamayn ku yeelatay tan Doorashooyinka, maadaama nidaam ahaan, Qalab ahaan iyo kaadhadh bixinta oo labadaba dib loo dhigay niyad jab ku keentay dadweynihii is-diiwaangaliyey, isla markaana Komishanku iyagoon samayn daraasad ka duwan taa hore kala mid dhigay.

8.  Baabuurta Wacyigalinta sameeya ee ay adeegsadaan dadka wacyigalinta wada oo aan dadka waxba u sheegin isla markaana saara Heeso aan khusayn Diiwaangalinta, Iyadoo aanay dhalinyarada iyo Haweenka oo ah dadka ugu badan Coddeeyayaasha aan loo samayn wacyigalin u gaar ah.

Caqabadaha Xukuumadda:-

1. Xukuumadda oo aan Wacyigalinta door muhiim ah ka qaadan marka laga reebo taageerada guud ee ay siiso Komishanka, sida dhaqaalaha iyo sugida Amniga guud.

2. Warbaahinta Dawladdu maamusho iyo shaqaalaha Dawladda oo aan si heer Qaran ah u galin Wacyigalinta.

3. Masuuliyiinta Xukuumadda oo aan dadweynaha u qaban adeegyadii ay u baahnaayeen gaar ahaan Dhalinyarada iyo Haweenka, taasoo niyad jab ku riday bulshada qaarkeed.

Axsaabta Siyaasadda:-

1. Khilaafka Xisbiyadda dhexdooda ka jira iyo qaabka ay usoo doortaan hogaamiyayaasha oo dadweynaha rajo-xumo ku abuurtay

2. Xidhiidhka Madaxda Axsaabta iyo bulshada oo hoosaysa isla markaana la arko auun marka Diiwaangalin ama Doorasho jirto.

3. Xisbiyada oo aan la xisaabtamin xukuumadda gaar ahaan xisbul xaakimka oo aan uba arag in uu doorkaa leeyahay, iyo Mucaaradka oo aan dabagal iyo xog ururin dhab ah ka samayn qaladaadka xukuumadda.

4.  Axsaabta oo Dadweynaha duudsisa xuquuqdooda, isla markaana uga faa’iidaysata qaab qabyaaladeed ama gobolaysi.

Dadweynaha:-

1. Dadweynaha oo aan fahamsanayn xuquuqda Dastuuriga ah ee ay u leeyihiin Hanaanka Doorashooyinka, isla markaana qaab aan haboonayn ugu codeeya siyaasiyiinta.

2. Dadweynaha oo cuqdad ka qaaday balamihii ay Axsaabtu kaga baxeen, isla markaana aan meel fog ka eegayn sidii ay ku keeni lahaayeen hogaanka ay doonayaan.

3. Dadweynaha oo aan dhexdooda is hoga tusaalayn ama u nuglaada kooxaha ku xidhan Axsaabta iyo Xukuumadda si ka baxsan inta sharcigu ogolyahay.

Talo-soo-jeedin:-

Ururka SOLJA  waxa talo ku soo jeedin lahaa:-

1.  In Komishanku wax ka bedelaan hanaanka ay wacyigalinta u wadaan, bulshadana la socodsiiyaan macluumaadka Doorashooyinka, isla markaana ay casharo ka bartaan caqabadaha ka hor yimi ama ka hor iman doona.

2.  Axsaabtu inay wax ka bedesho nidaamka dhexdooda, hogaan wanaagsan usoo xulaan Dalka, isla markaana ixtiraamaan doonista Dadweynaha.

3.  Dadweynuhu inay Is-diiwaangaliyaan isla markaana ay soo doortaan dadka wanaagsan.

 

 

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA