Daawo Sawirada : Maayirkii Ugu Horeeyey Oo Muslim ah Sadiq Khan Oo La Wareegay Shaqada Maayir nimo ee London

0
Sunday May 08, 2016 - 10:14:10 in by salman abdi
  • Visits: 623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada : Maayirkii Ugu Horeeyey Oo Muslim ah Sadiq Khan Oo La Wareegay Shaqada Maayir nimo ee London

    Sadiq Khan, Duqa cusub ee Magaalada London, ayaa waxaa uu maanta uu si rasmi ah ula wareegay xafiiska shaqada, saacado ka dib markii xalay la shaaciyay inuu doorashadii ku soo baxay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sadiq Khan, Duqa cusub ee Magaalada London, ayaa waxaa uu maanta uu si rasmi ah ula wareegay xafiiska shaqada, saacado ka dib markii xalay la shaaciyay inuu doorashadii ku soo baxay.


 

 

 

Munaasabad ballaadhan oo maanta lagu qabtay Degmada Cathedral, ayuu xilka kula wareegay Duqa Magaalada London, markii xilkaasi loo dhaariyay.

 

 

 

 

Duqa London oo ka hadlay munaasabadaasi, ayaa waxaa uu ballanqaaday in si wanaagsan uu dadka ugu cadaalad samayn doono, isla-markaana uu fursado u wada abuuraayo dadka reer London.

 

 

 

 

Sadiq Khan wuxuu noqonayaa ninkii ugu horeeyay oo Muslim ah oo maayar ka noqda mid ka mid ah Magaalooyinka ugu faca-wayn ee Wadamada Reer Galbeedka.

 

 

 

 

Dadka reer London, ayaa codkooda ugu hiiliyay Sadiq Khan oo asalkiisu uu yahay Pakistani, xilli ninkii ka soo horjeeday ee la tartamaayay uu sameeyay olole la dhihi karo Islaam naceyb iyo inuu Sadiq Khan uu la fadhiistay kooxo xagjir ah, balse ay reer London diideen siyaasad kala qaybin ah.

 

 

 

 

Dr. Axmed Cali Khayre oo dersa siyaasadda Reer Galbeedka, ayaa sheegay inay macno wayn samaynayso in nin Muslim ihi uu maayar ka noqdo Magaalada London.

 

 

 

Maayarada Paris iyo New York, ayaa Mr. Khan ugu hambayeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii ka dhacday Xarunta Wadanka Britain.

123456789111213142