Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Tacsi Tiraanyo Leh Udiray 7 Qof Oo Shil Gaadhi Oo Naxdin Badan Oo Ka Dhacay Burco Iyo Sheekh Dexdooda Ku Nafwayay

0
Sunday May 08, 2016 - 18:59:28 in by salman abdi
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Tacsi Tiraanyo Leh Udiray 7 Qof Oo Shil Gaadhi Oo Naxdin Badan Oo Ka Dhacay Burco Iyo Sheekh Dexdooda Ku Nafwayay

    IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoysaskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen dadkii shalay ku geeriyooday shilkii naxdinta lahaa ee ka dhacay 07/05/2016 inta u dhaxaysa degmada Sheekh iyo Burco kuna naf waayeen todoba ruux oo dhalinyaro ah.

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumiinta Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.