Hay'adda FAO Oo Shaqo Abuur U Samaysay Xool-dhaqatadii Ku Caydhoobay Abaaraha.

0
Monday May 09, 2016 - 15:47:42 in by salman abdi
  • Visits: 529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda FAO Oo Shaqo Abuur U Samaysay Xool-dhaqatadii Ku Caydhoobay Abaaraha.

    Hay'adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramadda Midoobay ee (FAO) ayaa bilowday mashaariic ay dhaqaale ka helayaan dadkii ku caydhoobay abaaraha,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramadda Midoobay ee (FAO) ayaa bilowday mashaariic ay dhaqaale ka helayaan dadkii ku caydhoobay abaaraha,

 isla markaana kaga dhabaysay ballan-qaadkoodii inay degdeg uga fulin doonaan deegaamada gobolka Awdal.

qwqw-310x223

 

Mr. Dick Trenchard, madaxa hay’adda FAO u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo ka hadlayey qeybo ka mid ah mashaariicda ay kaga jawaabayaan waxyeeladii abaaraha ayaa sheegay inay dhowaan keeneen talaal, isla markaana wadaan mashaariic dhinacyo kala duwan ah, isagoo yidhi, "Hawlaha aanu wadnaa waa gargaar, annagoo si dhow ula shaqeyna xukuumadda  iyo wasaarada Xanaanada Xoolaha, tallaal xanuunada riyaha iyo idaha ku dhaca oo la siinayo xoolo  gaadhaya saddex milyan dhowaan ayaan keenay. Saamayn balaadhan ayey ku yeelatay bulshada abaarahii,” ayuu yidhi Mr. Trenchard, oo telefishanka Aljazira u waramayey.

Barnaamij telifishanka AlJaziira ka diyaariyey saamaynta taban ee  ay abaarahii ka dhacay dalku ku yeesheen xoola-dhaqatada iyo hawlaha hay’adaha FAO xilligan wadaan ayaa lagu bilaabay:

Cilmi Yuusuf iyo qoyskiisu waxay ka soo laabteen dalka Itoobiya, ka dib markii afar xilli roobaad baaqdeen, balse xoolahoodii intii badnayd wax le’deen, mana haysto lacag ay dib ugu soo kabtaan.

"Xal kale ma hayo, inaan xoolahayga iibiyo mooyee, fursada ii banaan waa inaan beer qoto, laakiin, ma heli karo, maxaa yeelay kuma lihi magaalooyinka qaraabo lacag I siiya,” ayuu yidhi Yuusuf.

Xilligan oo roobab da’een, rajo ayaa soo muuqata in dadka awoodaa beerahooda qotaan, laakiin, dadka aan waxba haysan waxa hay’adda FAO u abuurtay fursado ay laba bilood kaga shaqeeyaan hawlo fudud, ka dibna mushaharka ay helaan noloshooda ku maareeyaan, waxaana mashruucan ka faa’iidaysan doona dad gaadhaya lix kun oo qof, oo dhammaadka bil walba heli doona mushahar gaadhaya boqol iyo soddon dollar ($130).

Sahra Jaamac oo mushaharkii  qaadatay waxay sheegtay inay dhammaan lacagtan biil  uga dhigi doonto  qoyskeeda oo todoba qof ka kooban.

"Abaar ba’an ayaa na soo martay, way naga dhammaadeen xoolahii, mana helo cad iyo caano, ama beero aanu qodanno.” Ayey tidhi Sahra Jaamac.

Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in abaabarhii dalka ka dhacay hoos u dhigeen xoolahii dibedaha loo dhoofin jiray, boqolkiiba todobaatan (70%), xoolaha oo ahaa il dhaqaale oo  muhiim ahaa.

"Abaarahu saamayn xun ayey ku yeesheen bulshadda xoola-dhaqatada iyo xukuumadaba. Waxaan ku weynay dakhli badan, sidoo kale sicir-bararkii wuu kordhay,” ayuu sheegay Mr. Cabdiraxmaan Cabdillahi Saylici, Madaxweyne-xigeenka Somaliland.

Mashaariicdan Hay’ada Cuntada iyo Beeraha ee FAO fulisay ayaa noqonaya markii koowaad ee hay’adaha QM ama kuwa caalamiga ahi si muuqata wax-qabadkooda bulshaddu u aragto, kalsooni weyn kaga helaan, ka dib markii xilliyo kala duwan waxqabadkooda bulshadu warbaahinta ugu gudbiyeen.