Waxqabadka mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera uu ku Talaabadsaday iyo Dadwaynaha reer berbera oo ku Amaanay Waxqabadka uu muujiyaya intii uu Xilkaas Hayay"Warbixin Weriye Yasin Jama Ali

0
Sunday February 16, 2014 - 09:27:35 in by Super Admin
  • Visits: 1775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadka mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera uu ku Talaabadsaday iyo Dadwaynaha reer berbera oo ku Amaanay Waxqabadka uu muujiyaya intii uu Xilkaas Hayay"Warbixin Weriye Yasin Jama Ali

    Waxqabadka mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera uu ku Talaabadsaday iyo Dadwaynaha reer berbera oo ku Amaanay Waxqabadka uu muujiyaya intii uu Xilkaas Hayay Warbixin Weriye Yasin Jama Ali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxqabadka mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera uu ku Talaabadsaday iyo Dadwaynaha reer berbera oo ku Amaanay Waxqabadka uu muujiyaya intii uu Xilkaas Hayay Warbixin Weriye Yasin Jama Ali

Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Eng Cabdiraxman Cartan Geedi ayaa Xilkaas loo Magacaabay Wakhti KU Beegan Sanadkii Horaantii 2007 waxaanu ahaa Mareeyaha 9 sagaalada ee mareeyaha ka soo noqoda wakaalada biyaha berbera iyadoo magaalada berbera ay tahay magaalo xeebad kulul oo dadka iyo duunyaba ay u baahan yihiin biyo joogto ah oo ku filan, xoolaha ka dhoofa marsada magaalada oo iyana u baahan biyo iyo maraakiibtuna biyo loo dhaamiyo, Wakhtigaas xilkaas loo magacaabay mareeyaha Wakaalada biyaha berbera uu dib u dhac ka muuqday wakaalada biyaha, waxaan wakaalada ka shaqaynaayay shaqaale ku dhow 80 shaqaale ah, Gadiidka ay wakhtigaas wakaalada lahayd oo ah Gaadhi xaajiyada iyo marktwo kaliya.

Miisaaniyada Wakaalada biyuhu berebera waxay ahayd mid ahaad u hoosaysa shaqaalaha ka hawl gali jiran waxaa aaay mushahar qaadan muddo 3 bilood markii uu xilka qabtay mareeyaha wakaalada biyaha

Hadaba haday sidaas ahayd muxuu Qabtay Mareeyaha ENG.C/RAXMAN Cartan

Waxaa uu biyaha gaadhsiiyay Xaafadaha Cusub ee Magaalada sida xaafadaha waraabo u taaga iyo xaafada finlandta waxaa kale oo biyaha Galayiya Dakedda Berbera oo ay hore uga dhaamin jireen booyado Maraakiibta u baahan biyaha u dhaamiya biyaha, Waxaa uu kordhiyay shaqaalaha Wakaalada ka hawl gali jir oo uu gaadhsiiyaya 140 shaqaalaha Mushaahrooyinkiia uu u kordhiyaya si ay shacabiga si hufan uga adeegan waxaa kale oo uu kor u qaaaday shaqaalah wakaalada biyaha ka hawl galay waxaan jaamacadaha uu ka bixiyaa 17 shaqaaalah oo ay hada jamacada Gollis Faraceed berbera ay ka qalin jabiyeen 6 shaqaalaha ah wakaalada Biyaha berbera si aqootooda iyo Xirfadooadaba kor loogu qaado,

Waxaa uu dhismoyaal ku kordhiyay wakaalada isaga oo kuwo kalena dayactir ku sameeyaya waxa kale o u maareeyaha wakaalada biyaha Berbera tadawar muuqda ku sameeayay Qaabka Maamulka Wakaalada Sida Waaxda Biilasha dalacda o si cad o hufan loo maareeyay lagana ilaaliyay korobshakii si dawlada dakhligeeda loo ilaaliyo si miisaaniyada wakaaladu kor ugu kacdo,

 
Waxaa uu kordhiyaya Gadiidkii Wakalada oo markii hore koobnaaa waxaanu ku soo kordhiyaya baabuur u adeegta shaqaalaha si ay hawshu uga fududaato waxaan kamid ah:
Baabur Noha ah
Baabur crown ah
Baabur surf ah
Baabur Zukuzki
Baaabur Cagcagaf
Baabur Waaraad ah oo wiish saaran yahay

Dabcana waxa mudan in la sheego markii u horaysay wakaalada biyaha berbera gaadiidkeeda in loo sameeyay Hooso lagaga shaqeeyo maadaama shaqadoodu tahay mid 24saacadoodba taagan masuulna ka ah wax nolasha ibnu,aadamka ugu muhiimsan o ah Biyo.

Waxaa uu Qoday 9 ceel biyood si biyahaa hore ee jiray loo kordhiyo madaama ay dadka iyo xooluhaba ay kordhaayan si looga gaashanto biyo yaraan madaama ay magaaladu tahay magaalo kulul oo baahi loo qabo in qofkasta helo biyo ku filan

 
Hadaba markii waxaas oo Horumar ah la sameeyaya waxaa kordhaya miisaaniyada wakaalada oo markii hore koobnayada intii hore ee ay ahaydna shan jeer kor u kac samaysaya madaama maamulka wakaalada oo uu horumoodka ka ayahay eng cabdiraxman cartan ay dadaal badan sameeyeen hawl badan iyo wakhti badana ay galiyeen sidii wakaaladu cagheed iskugu taagi lahayd iyadoo waxaas oo wax qabad ee aan hore u soo sheegnay aan cid ka caawisay aan jirin marka laga reebo mishiin waye oo dabayaaqadii sanadkii 2013 ay ku caawisay ha,ayada Germalka ah ee marka magaceed la soo Gaabiyo la yidhaahdo (GIZ) oo ka hawl gasha magaalada berbera
Magaalada berbera oo ah magaalada uga biyaha jaban magaalooyi soomaliland marka la barbar dhigo qiimaha 1ka mitirQ uu ka jooga magaaloyin Ceerigaabo ,Burco Boorama iyo Gabilay waxaan uu 1ka mitirQ jooga inta u dhaxaysa $1 ilaa $2 doollar halka magaalada berbera oo ah magaalo cimiladeed ay tahay kulal dadka iyo duunyaban si joogto ah loogu baahan yahay biyo ku filan ayaa qiimaha 1mitir kuyuubka uu yahay wax ka yar $1 dollar

waxa yana xusid mudan in wakaalada biyah ay caqabad ku tahay lacagta u badana kaga baaqato sida saldhigayada ,Jeelka,Schoolada, Xafiisyada Wasaaradda iyo ha,ayada dawalada ee ka hawl galaya magaalada berbera in badana uu Qaylo dhaan ka dhiray mareeyaha Wakaalada Biyaha kana Codsaday in Wasaaradkasta iska Bixiso Lacagta ay isticmaalan ee waajibka ku ah maadaama wasaarad walba loogu soo dero kharshiyaadka sadex biloodka ah ,laakiin Nassib Daro ilaa hadan lama hayo wasaaradda ka soo jawaabtay dalabka mareeyaha

Arimaha kale e u maareeyaya wakaalada Biyaha berbera u xilka adag iska saaray waxa kamida xoolaha ka dhoofa dekada berbera sanadwalba lagu qiyaaso inta u dhaxaysa labo milyan iyo badh ilaa sadex milyan o neef o Adhi ah , intaa waxa dheer boqolaalkun o isgu jira Geel iyo Lo,a, Mana jirto xili kaliya o xoolahaasi biyo waayeen mudadadaa u maareeyaha ka ahaa Eng cabdiraxman cartan geedi wakaalada biyaha berbera

Dadwaynaha ku dhaqan magaalada berbera ayaa sheeg in ay ku furaxsan yihiin Waxqabadka muuqda ee ay samaysay wakaalada biyaha berbera oo uu horumood uu ka yahay mareeye Eng. Cabdiraxmaan Cartan Geedi waxaanay xukuumada iyo ha,ayadaha calamiga ahba codsateed in ay wax kala qabato waxqabadka ay wadaan maamulka iyo shaqaalaha wakaalada biyaha berbera


Wariye Yasin Jama Ali
Berbera/ Somaliland
berbera_reporter@hotmail.com