Maxu Ka Idhi Cali Guray Heshiiska Xukumadu La Gashay Imaaradka Carabta Ee Dakada.

0
Tuesday May 10, 2016 - 16:30:12 in by salman abdi
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxu Ka Idhi Cali Guray Heshiiska Xukumadu La Gashay Imaaradka Carabta Ee Dakada.

    Mujaahid Cali Guray ayaa ka hadlay sida uu u arko heshiiskii ay shalay gaadheen dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu. Mujaahid Cali Guray ayaa ka hadlay heshiiskaasi,waxaanu qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook-ga ee uu kaga hadlay heshiisk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mujaahid Cali Guray ayaa ka hadlay sida uu u arko heshiiskii ay shalay gaadheen dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu. Mujaahid Cali Guray ayaa ka hadlay heshiiskaasi,waxaanu qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook-ga ee uu kaga hadlay heshiiskaasi u dhignaa sidan :-


Sida uu u dhigay Xafiiska inoo sheegay inu yahay Xafiiska Af hayeenku ma xusin deked la wareejiyay iyo cid lagu wareejiyay iyo mudada heshiidka iyo xataa qodobo heshiis lagu wareejiyay ama lagula wareegay Dekedda Berbera. Waxa uu ka hadlay oo dhami waa mashaariic horumarineed oo aan wax deyn ah lahayn ee kuligoodba waxa lagu maalgelinayaa ay tahay deeq. Hadii aanay jirin wax kale oo qarsoon iyo sheeko kale oo daba soctaa anigu shakhsi ahaan ma arko waxan ku diido oo aan ahaynkharashka hoos loo kala qaatay ee saxeexa heshiiskan. Hungurigii qandaraasyaduna waa halkiisii waana inta loo jeedo cidda qaadan doontana waynu qiyaasi karnaa.
 

Wuxu mashaariicda inoogu daray mashruucii ay gacanta ku hayeen EU iyo IGAD ee Berbera corridor oo lacagtiisa ay hore EU ugu yaboohday. Ma mar labaad baa aImaaradkuba bixinayaa mise wax cusub ayaa lagu soo kordhiyay. Kolay sheekada la inoo wada sheegi maayo wax badanna la inooga sheegi maayo waxna inaga qarsoonaan maayaane bal horta inta ay biyo dhacayaan yaan lagula boodin ee ha la sugo biyo dhigooda. Kolay anigu ma aamini karo wax uu iska walwalaaqanayo wiilka yar ee Abu Dubai la dhigtay oo la ogyahay sababta loo dhigtay