Qaar Ka Mida Dadwaymaha Magalada Laascanood Oo Bananbax Cabasho Ah Ka Majiyay Sixirbararka Miceeshada

0
Wednesday May 11, 2016 - 17:20:16 in by salman abdi
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar Ka Mida Dadwaymaha Magalada Laascanood Oo Bananbax Cabasho Ah Ka Majiyay Sixirbararka Miceeshada

    Dadweynaha ku Dhaqan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa Shalay Sameeyay Isku soo bax Ballaadhan oo ay kaga soo horjeedaan Sicir barar ku yimid Maceeshadda, kaasi oo la sheegay inay sababtay Lacagta Shilin Soomaaliga ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadweynaha ku Dhaqan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa Shalay Sameeyay Isku soo bax Ballaadhan oo ay kaga soo horjeedaan Sicir barar ku yimid Maceeshadda, kaasi oo la sheegay inay sababtay Lacagta Shilin Soomaaliga ee Gobolka Sool ka soo gasha dhanka Puntland.



Mudaharaadkan oo la sheegay inay soo qaban-qaabiyeen qaar ka mid ah Ganacsatada Laascaanood oo diiddan Isticmaalka Shilin Soomaaliga, ayaa Dadka dhigay waxay iskugu soo baxeen Jidadka Magaalada Laascaanood, iyaga ku qaylinaya Weedho ay Dawladda Somaliland kaga codsanayaan inay ka wax ka qabato Lacagta Soomaaliya ee ka shaqeynaysa Gobolka Sool, taasi oo markii ay Sicir Bararka Maceeshadda horseedday ay Ganacsataduna diiddeen inay wax ku iibiyaan.

"Waxaa Mas’uuliyada sicir-bararkan iska leh Maamulka Gobolka, Waayo, iyadoo ay joogaan Kaantaroollada ayay soo maraan lacagaha la sheegayo inay sicir-bararka keenaan (Lacagta Soomaaliya)..” Sidaa waxa tidhi, Haweeney Cadheysan oo ka mid ah dadkii Mudaharaadka dhigayay.

Dadweynahan Dibad-baxa dhigayey oo sitay Boodhadh ay ku qornaayeen Weedho ka tarjumayo Cabashadooda la xidhiidha Sicir-bararka Maceeshadda isla-markaana Booliisku dusha kala socdeen dhaqdhaqaaqooga, ayaa markii dambe iskugu tagay Xarunta Dawladda Hoose ee Magaalada Laascaanood.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sool ee Somaliland Cabdirashiid Dalmar oo ka hadlay Mudaharaadkan, ayaa sheegay inuu Sicir-bararka taagan sababay lacagaha Gobolka ka soo gala dhinaca deegaannada Puntland.

Sicir-bararka Maceeshadda, ee Dadweynaha Magaalada Laascaanood ayaa ku soo beegmaysa Sicir-barar ku yimid Lacagta Doollarka ah ee laga isticmaalo Magaalooyinka Maamul-gobolleedka Puntland, taasi oo sababtay inay qiimo beesho Lacagta Shilin Soomaaliga ah isla-markaana la xidho Meheradaha qaarkood.