Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Ka Hadlay Guddidii Uu U Magacaabay Xuska 18-ka May Iyo Halka Ay Wax U Marayaan

0
Wednesday May 11, 2016 - 17:23:15 in by salman abdi
  • Visits: 567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Ka Hadlay Guddidii Uu U Magacaabay Xuska 18-ka May Iyo Halka Ay Wax U Marayaan

    Munaasibada Xuska 18-may Oo Dhamaan Dalka Looga Diyaar Garoobaayo In Si Balaadhan Loo Xuso Ayaa Gudidda Qaban Qaabada Gobolka Togdheer Oo Uu Ku Dhawaaqay Badhasaabka Gobolka Ayaa Waxay Noqdeen Kuwo Aan Saamayn Balaadhan Ku Yeelan Shacabka Gobolka Tog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibada Xuska 18-may Oo Dhamaan Dalka Looga Diyaar Garoobaayo In Si Balaadhan Loo Xuso Ayaa Gudidda Qaban Qaabada Gobolka Togdheer Oo Uu Ku Dhawaaqay Badhasaabka Gobolka Ayaa Waxay Noqdeen Kuwo Aan Saamayn Balaadhan Ku Yeelan Shacabka Gobolka Togdheer Kuwaasi Oo Aan Laga Arag Dadaal Hawl Karnimo Oo Shacabku Mahadiyaan Balse Qaban Qaabada Ayay U Wadaan Qaab Gaabis Ku Jiro


Iyada Oo Bishu Ay Marayso 11/5/2016 Oo Xuska Munaasibada 18-Mayna Ay Ka Hadhsan Tahay 7cisho Ayaa Khadka Telefoonka Oo Shabakada Somalilandtoday Kula Xidhiidhay Badhasaabka Gobolka Togdheer Waxa Ay Wax Ka Waydiisay Gaabiska Ku Yimi Guddidii Qaban Qaabada Xuska Munaasibada 18-may Iyada OO Burco Tahay Goobtii Lagaga Dhawaaqay La Soo Noqoshada Badax Bannaanida Somaliland 1991 18-may Lana Doonaayay Dar Dar Gelin Iyo Dadaal Dheerad Ah Oo Ay Kagaga Duwan Tahay Magaalada Burco Magaalooyinka Kale


Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo Oo Shabakada Somalilandtoday Khadka Telefoonka Kula Xidhiidhay Ayaa Waxa Uu Sheegay Inay Si Habsami Ah U SOcoto Qaban Qaabada Xuska Munaasibada 18-may Isla Markaana Ay Shaqaynayaan Xubnihii Guddida Qaban Qaabada Waxaana Badhasaabku Ka Dhawaajiyay Inay Si Hawl Kar Ah U Haystaan Guddidu Haw-Shoodi .

Badhaasaabka Oo Aan Wax Ka Waydiinay Goorta Guddida Qaban Qaabadooda Si Rasmi Ah Oo Saamayn Leh Loo Dareemaayo Ayaa Waxa Uu Sheegay In Sadex Casho Ka Dib AY Isu Dubaridi DOonan Hawlaha Qaban Qaabada Xuska Munaasibada 18-may
Gudoomiye maxamed ibraahim qabo oo sidoo Kale aan wax ka waydiinay inuu jiro khilaaf u dheexay guddida qaban qaabada xuska munaasibada 18-may ayaa xusay inaanay jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya guddidaasi balse ay guddidu tahay mid shaqaynaysa oo dadaalkii diyaargarowga xuska munaasibada qaranimada somaliland heegan ugu jirta

Dadweynaha Kala Duwan Ee Ku Dhaqan Magaalada Burco Oo Iyaguna Doorkooda Waddaninimo Ka Qaata Xuska Munaasibada 18-may Ayaa Iyaguna Noqday Kuwo Aan Weli Dareenkuu Muwaadinimo Aan Muujin Iyo Qiimihii Ay Lahayd Xuska Munaasibada 18-may 1991 Waxaana Aad Arkaysaa Meheradaha Oo Aan Wacan Ah Ku Xidhan Goobahooda Isla Markaana Aan Weli Diyaar Garow Xoogan U Gelin Qaban Qaabada Xuska 18-may

Goobaha Dharka Calamaanta Lagu Sameeyo Ee Loo Yaqaan Dawaarka Ayaa Iyagana Weli Aan Saxmadoodu Aanay Kicin Isla Markaana Aanad Ku Arkayn Calamaan badan Oo La Keenayo Taasina waxa Ay Kuu Cadaynaysaa Inan Weli Shacabka Burco U Diyaar Garoobin Malaintani Qiimaha Iyo Milgaha Ku Suntan

Si Kastaba ha ahaatee maalmaha fooda inagu soo haya ayaa laga yaaba inay burco ka kacdo fadhiga isla markaana ay wada calan noqoto madama burco tahay goobtii lagaga dhawaaqay xuska munaasibada 18-may.