Duqa Magaalada London Oo Sheegay In Aanu Booqan Doonin Mareykanka, Haddii La Doorto Murrashax Donald Trump.

0
Thursday May 12, 2016 - 09:21:13 in by salman abdi
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Magaalada London Oo Sheegay In Aanu Booqan Doonin Mareykanka, Haddii La Doorto Murrashax Donald Trump.

    Duqa cusub ee Magaalada London, Sadiq Khan, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuusan booqasho ku taggi doonin dalka Mareykanka, haddii uu madaxtinimada dalkaasi ku guuleysto Donald Trump.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa cusub ee Magaalada London, Sadiq Khan, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuusan booqasho ku taggi doonin dalka Mareykanka, haddii uu madaxtinimada dalkaasi ku guuleysto Donald Trump.



Duqa Magaalada London, ayaa wuxuu si kulul uu kaga hadlay qorshihii Donald Trump ee ahaa in dadka Muslimiinta uu ka mamnuuci doono inay yimaadaan dalka Mareykanka, haddii loo doorto Madaxweynaha dalkaasi.

Duqa London, ayaa wuxuu sheegay in Donald Trump uu aragti jaahilnmo ah ka gaysto Islaamka, isla-markaana aanu taggi doonin Mareykanka, haddii uu ninkaasi noqdo Madaxweynaha Mareykanka.

"Waxay ila tahay in Donald Trump uu Islaamka ka haysto aragti jaahilnimo ah, anna mid ka duwan ma noqonaayo, si aan u taggo dalka Mareykanka.” Ayuu yiri Sadiq Khan.

Sadiq Khan, ayaa Arbacadii yiri "Donald Trump wuxuu sheegay haddii loo doorto Madaxweynaha Mareykanka in uu Muslimiinta ka mamnuuci doono Mareykanka.”

Waxaa uu intaa raaciyay "Taasi micnaheeduna waa haddii aad tahay Muslim dalxiise ah oo doonaaya inuu taggo dalka Mareykanka in lagaaga celinaayo Muslim baa tahay.”

Ra’iisal Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa mar sii horaysay si kulul kaga hadlay qorshaha Donald Trump, wuxuuna ku sheegay aragti siyaasadeed oo khaldan.