Golaha Wakiilada Dalka Barazil Oo U Qorshaynaya Inay Ka Takhalusaan Madaxwayanaha Dalkaasi.

0
Thursday May 12, 2016 - 09:22:28 in by salman abdi
  • Visits: 571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiilada Dalka Barazil Oo U Qorshaynaya Inay Ka Takhalusaan Madaxwayanaha Dalkaasi.

    Madaxweynaha Brazil, Dilma Rousseff, ayaa waxa ay bilaabaysaa maalin noqon karta maalintii ugu dambaysay ee ay xafiiska maamusho, xilli wakiilada aqalka odayaasha ay isu diyaarinayaan in ay u codeeyaan in la guda galo dhageysiga xil ka qaadisteeda iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Brazil, Dilma Rousseff, ayaa waxa ay bilaabaysaa maalin noqon karta maalintii ugu dambaysay ee ay xafiiska maamusho, xilli wakiilada aqalka odayaasha ay isu diyaarinayaan in ay u codeeyaan in la guda galo dhageysiga xil ka qaadisteeda iyo inkale.



Haddii aqlabiyadda aqalka odayaasha ay u codeeyaan sida la filayo in la guda galo doodda dacwad ka qaadista, ayaa Ms Rousseff, durbadiiba waxaa laga joojin doonaa shaqada, iyadoo madaxweyne un aheyd wax ka yar kala bar xilliga xilka loo doortay.

Madaxweyne Dilma Rousseff, ayaa waydiisatay Maxkamadda Sare in ay hor istaagto sii socoshada doodda xil ka qaadista ka dhanka ah, taasi oo ah iskudaygii ugu dambeeyay ee ay ku joojinayso arrintaasi ka hor saacado un marka ay wakiilada aqalka odayaasha arrintan u codaynayaan.

Qareenada Ms Rousseff ayaa ka cawday wax isdabamarin iyo dhinac u xaglin, iyadoo isku dayyo noocaasi ah ay maxkamaddu diidday.

Xilli sii horreeyayna taageerayaasheeda ayaa xiray waddooyin iyagoo jidgooyooyin sameeyay.

Jidgooyooyinka ayaa waxa ay carqaladeeyeen isku socodka dhammaan gobollada Brazil.