Hay'adaha Xaquuqul Insaanka Oo Maraykanka Ugu Baaqay Inuu Joojiyo Taageerida Militari Ee Soomaaliya.

0
Thursday May 12, 2016 - 09:25:41 in by salman abdi
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adaha Xaquuqul Insaanka Oo Maraykanka Ugu Baaqay Inuu Joojiyo Taageerida Militari Ee Soomaaliya.

    Dowlada Maraykanka ayaan weli ka jawaabi eedeynta ah in dowlada Soomaaliya oo ay dhanka militari ka taageerto ay adeegsato ama askareysay caruur aan qaan gaarin, arrintaasi oo ka horimaaneysa shuruucda wadanka Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Maraykanka ayaan weli ka jawaabi eedeynta ah in dowlada Soomaaliya oo ay dhanka militari ka taageerto ay adeegsato ama askareysay caruur aan qaan gaarin, arrintaasi oo ka horimaaneysa shuruucda wadanka Maraykanka.


Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa weli ka gaabsanaya inuu arrintan ka hadlo xili xukuumada Soomaaliya ay sheegtay inay gudi u saartay eedeynta loo soo jeediyey ee la xariirta askareynta iyo adeegsiga caruurta dhanka ciidanka iyo Sirdoonka.

Hay’adaha xaquuqul insaanka sida Human rights Watch ayaa ugu baaqay dowlada Maraykanka inay joojiso taageerada ay u fidineyso dowladaha askareeya caruurta arrintaasi oo ka horimaaneysa sharciga u yaal isla Maraykanka.

Horey ayaa loogu eedeyn jiray kooxda Al Shabaab inay si aad ah u adeegsato caruurta isla markaana askar ka dhigato, iyadoo hada diirada ay saaran tahay Dowlada Soomaaliya oo qudheedu la sheegay in ay caruurta u adeegsato hawlaha militari iyo sirdoonka.

Maraykanka ayaa kamid ah dalalka sida toos ah u siiya tababarada & hubka fudud ciidamada Soomaaliya, isla markaana bixiya qeyb kamid ah mushaharkooda. Eedeyntan oo ah mid si gaar ah u taabaneysa maadaama uu Maraykanka horey marar badan ugu faanay inuu wax badan ka qabtay dib u dhiska ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya.