Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Oo Eedo Kulul U Jeediyay Maamulka Xamar

0
Thursday May 12, 2016 - 16:44:53 in by salman abdi
  • Visits: 704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Oo Eedo Kulul U Jeediyay Maamulka Xamar

    -Md.Xuseen Aadan CigeWasiirka wasaaarada ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada hargeysa ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo dhawaan kasoo yeedhay masuuliyiint dawlada Somaliya gaar ahaana masuuliyiinta w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Md.Xuseen Aadan CigeWasiirka wasaaarada ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada hargeysa ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo dhawaan kasoo yeedhay masuuliyiint dawlada Somaliya gaar ahaana masuuliyiinta wasaarada dekedaha Somaliya,gaar ahaan wasiirku waxaa uu ka hadley wareejinta dekeda magaalada berbera oo ay xukumadda Somaliland ku wareejisay shirkad laga leeyahay dalka Isutagga Imaaradka carabta oo lagu magacaabo Dubai World.


Waxaana wasiirku uu sheegay inay dawlad Somaliland ay u madax banan tahay mashaariic kasta oo laga hirgalinayo dalka Somaliland, waxaana uu dawlada somaliya ugu baaqay iny faro galinta qaawan kala dhex baxdo dawlada somalilnd.

Wasiirka oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi."Qaranka Somaliland waa qaran madax banana, ma aha qaran xamar laga xukumo, madaxwayne ya l doortay waxya ledahay gole sharci dajin, mid gole deegaan umad isku tashatay kamadax banaan inay gacan hoorsato umad shisheeye ayaa qaranka Somaliland u ah saldhig, sidas darted xukumadda xamar waxaan leeyahay waxaad ku eekaataan xal u holida arimahina idiin gaarka ah oo ay u horeysa amaanku,hawlaha Somaliland u gaarka ahna waa inay ka daayaan faragalinta qaawan ee ay ku hayaan”Ayuu yidhi Wasiir Dayr.

Wasiirka ganacsigu isagoo wali hadalkiisa sii wata yaa waxa uu yidhi"Xukumada xamar daris wanaag ayaa naga dhaxeeya waan ixtiraamnaa darisnimadooda anaguna waxaan jecelnahay inay na ixtiraamaan,waxii maalgashiya iyo waxii mashaariic ah ee Somaliland aduunyada ka heshana anaga u madax banaan iyagana hawl u taala mahaa ee iyagu haka taliyaan sidii ay xal ugu heli lahaayeen arimahooda hoose”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Dayr