Daawo "Maayir Golaha Degaanka U Banee Nimanka Firficoon Wax Halayamadaane" Madaxwaynaha Mustaqablka

0
Thursday May 12, 2016 - 17:30:14 in by Burco Office
  • Visits: 1943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo "Maayir Golaha Degaanka U Banee Nimanka Firficoon Wax Halayamadaane" Madaxwaynaha Mustaqablka

    Burco(Afka)Maxamed Cisman Xaji oo loo yaqaan Madaxweynaha Mustaqablka isla markaasna kamid Dhalinyarada Hanka Siyaasadeed leh ee Gobolka Togdheer ayaa si adag uga hadlay Arrimo ay kamid yihiin Qabanqaabo Xumo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(Afka)Maxamed Cisman Xaji oo loo yaqaan Madaxweynaha Mustaqablka isla markaasna kamid Dhalinyarada Hanka Siyaasadeed leh ee Gobolka Togdheer ayaa si adag uga hadlay Arrimo ay kamid yihiin Qabanqaabo Xumo

ay Bulshadu kadareemayso Xuska 18 may, Nadaafad Darrada magaalada, iyo Dad Maayarka Magaaladu u Xidh xidhay inay iska hagaajiyeen Nadaafad Darro iyo Suuliyo Ka Dumay Xaafadaha Magaalada Qaar kamida oo ay sababeen Roobabku.

Haddaba Maxamed Cisman oo Warbaahinta Qaarkamida kula hadlayay Magaalada Burco ayaa sheegay in Maayarka Magaalada Burco Maxamed Muraad Shaqo kasta oo loo diro uu ku fashilmo, taasna ay caddayn buuxda u tahay maadama Badhasabka Gobolku ka dhigay Guddomiyaha Guddiga Qabanqaabada xuska 18may sida uu ula fadhistay hawlihi qabanqaabo ee loogu diyaar garoobi jiray xusaska noocan ah. Isagoo sido kale xusay inay guud ahaanba baabaan waddo kasta oo u sameeyo.

Dhinac akale Maxamed Cisman Xaji Madaxweynaha Mustaqbalku wuxu tilmaamay in Maayarku Dad u xidhay maxaad isaga hagaajiseen qashinka iyo suuliyada idinku dumay waxanu yidhi

Madaxweynaha Mustaqbalku wuxu Maayarka u soo jeediyey inu u banneeyo kursiga xildhibaanada kale ee firfircoon maadaama mudo 4 sano ka badan ay dadweynuhu sugayeen waxna anu u qaban

Si kasta ba ha ahaatee Qaylo dhaanta ka soo yeedhaysa Bulshada Burco ee ka dhanka ah maayarka BUrco ayaa sii xoogaysanaysa Maalmahan u danbeeyey iyagoo golaha degaanka ugu baaqay inay waajibkooda ka gutaan Maayarka Degmada Burco oo ay xilka ka ridaan maadaama uu noqday maayar la hadhay caasimaddii 2aad ee Somaliland, waxayna sheegeen in haddii ay xilka la dejin waayaan ay la qabaan fadhiidnimada.­