Wasiiru Dawlaha Wasaarada Maaliyada Md: Cadaani iyo wefti u horkacayo Ayaa Saaka Bookhday qaar kamida Dugsiyada Sare ee Magaalada Burco,

0
Sunday February 16, 2014 - 15:22:43 in by London Office
  • Visits: 1439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiru Dawlaha Wasaarada Maaliyada Md: Cadaani iyo wefti u horkacayo Ayaa Saaka Bookhday qaar kamida Dugsiyada Sare ee Magaalada Burco,

    Wasiiru Dawlaha Wasaarada Maaliyada Md: Cadaani iyo wefti u horkacayo Ayaa Saaka Bookhday qaar kamida Dugsiyada Sare ee Magaalada Burco, Lana Dardaarmay Ardayda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Maaliyada Md: Cadaani iyo wefti u horkacayo Ayaa Saaka Bookhday qaar kamida Dugsiyada Sare ee Magaalada Burco, Lana Dardaarmay Ardayda


Burco(Afkashacabka)Wasiiru Dawlaha Wasaarada Maaliyada Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo beryihii ugu danbeeyey Safar shaqoku joogay magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer oo ay wehelinayeen Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yusuuf( Ubaxle) ahna ku simaha gobolka, Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Togdheer, Maamulka Wasaarada Waxbarasahda Gobolka Togdheer ayaa saaka booqasho ku tegay qaar kamida dugsiyada waxbarashada gobolka togdheer kuwooda ugu faca weyn .

Waftigan ayaa saaka booqday Dugsiyada Shiikh Bashiir iyo Shiikh Ibraahim kuwaasi oo ay la kulmeen Maamulka Dugsiyadaasi iyo Macalimiinta Ardayda iyadoo si balaadhan halkaasi loogu soo dhaweeyey Waftiga waxaana halkaasi ka hadlay maamulada kala duwan Dugsiyadaasi Shiikh Bashiir iyo Shiikh Ibraahim kana warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dugsigaasi sidoo kale ka faah faahin ka bixiyey xaalada waxbarasho xanta suuqa ee ah in dugsiga loo dhigan kari la,ayahay qabyaalad.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) oo halkaasi hadal kasoo jeediyey ayaa uga mahad celiyey Maamulka Iskuuladaasi si wanagsan ee ay usoo dhaweeyeenwaftiga uu hogaaminaayo Wasiiru dawlaha Wasaarada Maaliyada Somaliland , Gudoomiye Ubaxle ayaa halkaasi uga dardaarmay Ardayda wax ka barata dugsiga sheikh bashiir inay ka fogaadaan qabyaalada iyo xanta suuqa ugu jirta ugu na baaqay inay ilaashadaan midnimadooda iyo walatinimadooda sidoo kale waxaa uu ku amaanay Dugsiga Shiikh Ibraahim kalamaha wax ku oolkaa ee uu kaga jiro Hormuudka Waxbarashada Gobolka Togdheer.

Xildhibaan Mubaariga Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo isnaku hadlaayey afka xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco ayaa si fiican uga waramay taariikhda dugsiyadafaca weyn ee sheikh bashiir iyo Shiikh Ibraahim waxaana uu sheegay in 21 xildhibaan ee golaha deegaanka loo dhaariyey danta midnimada iyo horumarka Degamda hurco inay ka shaqeeyaantiina ay ku shaqaynayaan ayna soo wadaan barnaamij lagu hormarinaayo Waxbarashada Dugsiyada Gobolka waxaana uu kusoo gunaaday in lasoo celiyo karaamadii iyo sharaftii burco.

Ugu Danbyntii Wasiiru Dawladaha Maaliyada Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo halkaasi ka hadlay waxaa uu aad uga dhiidhiyey shayga qabyaalada ee ku habsatay magaalada burco Wasiirka ayaa ka dhawaajiyey inay qabyaalada wadaan Odayaal sida uu sheegay kala cimaamado xun oo dhalinyarada ku fineeya qayaalada waxaana uu dhalinyaradaarda ah kula dardaarmay inay ka ilaaliyaan kuwaas oo ay meel uga soo wada jeestaan sidoo kale waxaa uu cadeeyey ujeedadiisa safarka uu ku joogo burco uuna ku tilmaamay inuu yahay sidii uu xog uga ogaan ahaamarxalada ka taagan burco waxaana uu ku hanjabay inay kuwa ku shaqaysta qabyaalada ee bulshada kala dilaaya inay u samaysteen Jeelka Mandheera iyo meelo ka daran ayna wax ka qabanayaan.

Si kastaba ha ahaatee Wasiir Cadaani oo maal mihii ugu danbeeyey safar shaqo ku joogay Magaalada burco ayaa kulamo gaar gaara la yeeshay odayaasha dhalinayarada, haweenka iyo waxgaradka gobolka togdheer sidii looga talaabsan lahaa qabyaada sanadihii ugu danbeeyey ragaadisay bulshada reer burco loona qaadi lahaa tubta horumarka gobolka togdheer.

Afkashacabka Media
Burco/Somaliland