Xildhibaan lagu Afduubtay Burco iyo Khilaafkii Maayarka iyo Aqlabiyadda Golaha Degaanka oo Meel Xaasasiya Maraya

0
Tuesday May 17, 2016 - 15:16:30 in by Burco Office
  • Visits: 1206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan lagu Afduubtay Burco iyo Khilaafkii Maayarka iyo Aqlabiyadda Golaha Degaanka oo Meel Xaasasiya Maraya

    Xildhibaan Siciid Axmed Raage oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Burco ayaa xalayto Kooxo hubaysani ku afduubeen Magaalada Burco siday sheegeen Xildhibaanadii uu ka mid ka ahaa ee uu Mooshinka la waday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Siciid Axmed Raage oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Burco ayaa xalayto Kooxo hubaysani ku afduubeen Magaalada Burco siday sheegeen Xildhibaanadii uu ka mid ka ahaa ee uu Mooshinka la waday.

Xildhibaankan la Afduubay oo ka mid ah Xildhibaanadda ku kacsan Maayirka Burco ee Mooshinka ku wada ayaa sida la xaqiijiyay Afduubkiisa waxa ka danbeeyay oo soo abaabulay Maayarka Magaalada Deegaanka Burco Maxamed Muraad , oo maalmihii u danbeeyay falal kala duwan ka waday gudaha Magaaladda Burco, si uu kala daadiyo Xildhibaanadda 18-ka ka badan ee Mooshinka ku wada .

Xildhibaan Siciid Maxamed Raage ayaa sida la cadeeyay Kooxo hubaysan ku haystaan meel ka baxsan gudaha Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, gaar’ahaan tuulada Naq-dhibiijo waxaana baadigoobaya Ciidamo Booliis oo ku hawlan inay soo badbaadiyaan Xildhibaankaas.

Dhinaca kale khilaafka u dhaxeeya Maayarka magaalada Burco iyo aqlabiyada Xildhibaanada Golaha Degaanka ayaa hadda faraha ka baxay, wuxuuna marayaa meeshi ugu xumayd tan iyo intii la soo doortay, iyadoo dadweynaha Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo isu diyaarinaaya munaasibadda 18-May, ay niyad jab ka qaadeen ficilada Golihii ay doorteen, halka magaaladiina ay buux dhafiyeen daa-dad ku soo jabay iyo khasino tuulan meel kasta.

Geesta kale Dhcadan Xildhibaanka lagu afduubay ayaa noqonaysa falkii ugu waalida casaa ee muddooyinkan ka dhaca Magaalada Burco iyo Gobolka Togdheer.

Xigasho Somalilandtoday