Wasiirkii Hore Madaxtooyada Somaliland Oo Baaq Nabadeed ka Diray Dagaalka Bulshada Degaanka Dharkayn-geenyo ku dhex maray Halkaas

0
Saturday June 04, 2016 - 16:26:31 in by salman abdi
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Hore Madaxtooyada Somaliland Oo Baaq Nabadeed ka Diray Dagaalka Bulshada Degaanka Dharkayn-geenyo ku dhex maray Halkaas

    Wasiirkiisi hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa baaq nabadeed u diray bulshada walaalaha ah ee degaanka Dharkayn Geeye, qoraal kooban oo uu ku baahiyay bogiisa Facebook-ga ayaa u dhignaa sidan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkiisi hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa baaq nabadeed u diray bulshada walaalaha ah ee degaanka Dharkayn Geeye, qoraal kooban oo uu ku baahiyay bogiisa Facebook-ga ayaa u dhignaa sidan.

Baaq Nabadeed

Xinjirta Bururaysaa waa Dadkeenii, Cida dhibtu Gaadhaysana waa Ehalkeenii.

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
"Waxaan baaq nabadeed u dirayaa Dagaalka beelaysan ee labada beelood ee wallaalaha ah ee Dharkayn-geenyo ku dhexmaray degaanadaas. Waxaan ugu baaqaynaa nabad iyo in la joojiyo collaada dadka wallaalaha ah.

Dadka reer Somaliland dhamaantooda iyo dawladana waxaan leeyahay haloo gurmado oo hala kala gaadho.
Xinjirta bururaysaa waa dadkeenii, cida dhibtu gaadhaysaa waa ahalkeenii ee aan u gurmano wax kasta oo awoodeena ahna arintaa halagu baajiyo. labadii cisho ee ugu danbaysay waxaa lasoo sheegayaa in geeridu gaadhay labaatan xubnood. hadii labadii maalmoodba labaatan dhintaan waa collaad baahaysa oo raagaysa, collaadina ma keento wax aan dhibaato ahayn.”

Wa Bilaahi Tawfiiq.