Halyayga Mohamed Ali Kalaay Oo La Shaaciyay In Jimcaha La Aasaayo Iyo Weedhihii Tacsida Madaxda Caalamku Ka Yidhaahdeen Geeridiisa.

0
Sunday June 05, 2016 - 09:06:54 in by salman abdi
  • Visits: 1275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halyayga Mohamed Ali Kalaay Oo La Shaaciyay In Jimcaha La Aasaayo Iyo Weedhihii Tacsida Madaxda Caalamku Ka Yidhaahdeen Geeridiisa.

    Inta badan madaxda caalamka ayaa ka tacsiyeysay geerida feeryahankii caanka ahaa Maxamed Cali Kalaay oo xalay geeriyooday isagoo 74 sano jir ah, waxaana la shaaciyay in aas loo sameyn doono maalinta Jimcaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan madaxda caalamka ayaa ka tacsiyeysay geerida feeryahankii caanka ahaa Maxamed Cali Kalaay oo xalay geeriyooday isagoo 74 sano jir ah, waxaana la shaaciyay in aas loo sameyn doono maalinta Jimcaha.



Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo ka hadlay geeridii Kalaay ayaa yidhi:”Muhammad dunida wuu ruxay,dunidana waa ay u wanaagsanayd,”

Feeryahanka saddexda jeer ku guuleystay horyaalka miisaanka culus ayaa habeenimadii Jimcihii ku geeriyooday isbitaal ku yaal Phoenix, Arizona. Gabadha uu dhalay Maxamed Cali Kalaay ee Maryan ayaa sheegtay: "Waan ku faraxsanahay in aabahay inuusan halgankii uu kula jirey xanuunka sii hayn, waxa uu aaday meel wanaagsan. Alle ayaa weyn,”

Meydka Kalaay ayaa labo maalmood kadib la geyn doonaa magaaladii uu ku dhashay ee Louisville, Kentucky, halkaas la qorsheynayo in gelinka dambe ee Jimcaha lagu aaso KFC Yum! Center.

Aaskiisa oo noqon doona mid gaar ah ayaa waxaa ka qeybgeli doono wadaado Muslimiin ah iyo dad caan ah oo uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton,saxafiga caanka ah ee ciyaaraha Bryant Gumber iyo jilaaga Billy Crystal.

George Foreman oo haystay horyaalka feerka adduunka balse uu Maxamed Cali Kalaay ugaa guuleystey tartankii caanka noqday ee Kinshasa 1974kii ayaa ku tilmaamay inuu ahaa mid ka mid ah dadka dunida ee uu bartay kuwa ugu wanaagsan. "In la yiraahdo waa feeryahan oo kaliya waa caddaalad darro,”ayuu yidhi Foreman.

Ra’iisal Wasaaraha UK David Cameron oo ka hadlay geerida Kalaay ayaa yiri: "Muhammad Ali ma ahayn horyaalka goobta lagu feertamo,waxa uu ahaa horyaalka xuquuqda dadka rayidka ah iyo namuunad ay ku daydaan dad faro badan.”

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa yidhi ;”Waxa uu u dagaalamay in la helo duni wanaagsan waxana uu ka qeybqaatay sidii sare loogu qaadi lahaa bani’aadanimada.”