Madaxweyne Siilanyo Oo Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay Proff Ahmed Ismail Samatar

0
Sunday June 05, 2016 - 16:18:03 in by salman abdi
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilanyo Oo Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay Proff Ahmed Ismail Samatar

    Proff, Axmed Ismaciil Samatar ayaa kulan xalay la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Ismaciil Saylici. iyo welia Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Proff, Axmed Ismaciil Samatar ayaa kulan xalay la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Ismaciil Saylici. iyo welia Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan


00000000000000000000000000000

Kulankaas oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada ma jirin wax war ah oo ka soo baxay, wuxuuse u muuqday mid Salaan guud iyo is bariidin ku koobna, in kasta oo Axmed Ismaciil Samatar sheegay inuu Saddexda Xisbi Qaran mid ku biiraayo, sidoo kalena wararka qaar la xidhiidhinayeen dhinaca Xisbiga KULMIYE, hadana ma cada in kulanka Madaxweynuhu salka ku hayay shukaaminta hore ee Xisbiga KULMIYE ku xod-xodanaayay Siyaasiyigan macalinka sare ah.

Geesta kale Guddoomiyaha Xisbiga WADANI, Cabdimaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ah Xisbiga ugu weyn Mucaaridka ayaa si kooban u sheegay inay wadahadal Xisbigiisu la furi doono Proff. Samatar.

Kulanka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu la yesheen Axmed Ismaciil Samatar, waxa ku wehelinaayay Wasiirka Hawlaha Guud, Gadiidka iyo Guryaynta Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo kamid ah Wasiirada fir fircoon ee Xisbiga KULMIYE.