Xukuumadda Somaliland Oo Ka Qayb Gashay Shirweynaha Wasiiradda Waxbarashadda Ee Qaarada Africa Oo Addis ababa Ka Furmay.

0
Sunday June 05, 2016 - 16:24:52 in by salman abdi
  • Visits: 550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Ka Qayb Gashay Shirweynaha Wasiiradda Waxbarashadda Ee Qaarada Africa Oo Addis ababa Ka Furmay.

    "Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo kaalmo dhaqaale ka helaysa dawladda Maraykanka qaybteeda horumarinta caalamiga ah ee USAID,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo kaalmo dhaqaale ka helaysa dawladda Maraykanka qaybteeda horumarinta caalamiga ah ee USAID,

 iyada oo loo marayo iskaashiga caalamiga ee GPE, ayaa waxaanu furnay dalab lagu dhisayo machadka tabobarka macallimiinta heer qaran” sidan waxa sheegay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo ka qayb galay shirka wasiirrada waxbarasha ee dawladaha Afrikaanka ah, kaas oo ay soo qabanqaabisay hay’adda UNICEF iyo laamaheeda kale ee ka shaqeeya horumarinta waxbarashada iyo nabada Afrika oo muddo saddex cisho ah ka socday magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Shirkan oo halku dheggiisu yahay ‘Pan African Symposium on Education, Resilience and Social Cohesion’. Waxaa wasiir Garas oo khudbad ka jeediyey furitaankiisii uu kaga warramay heerka tacliimeed ee bulshada somaliland iyo koboca garaadka ardayda qalin qoyanta ah ee ku jira waxbarashada hoose dhexe sare kuwaas oo toradooda uu ku sheegay in ka badan 50000 oo arday. Halka 30000 oo kalena ay waxbarsshada sare ku jiraan. Furitaankiii shirweynaha wasiirrada africa ee waxbarashada ka dib waxa uu wasiir ku xigeenku u warramay majallada newbusinessethiopia ayaa Wasiirku isagoo ka hadlaya koboca iyo horumarka la taaban karo ee dhanka waxbarashada ee Somaliland ay gaadhay tan iyo intii lasoo noqotay madax bannaanideeda waxa uu yidhi " tiro ilaa konton kun (50,000) oo arday ayaa hadda ku jira dugiyada hoose dhexe iyo kuwa sare, halka tiro kale oo iyana ah soddon kun (30,000) oo arday iyaguna ku jiraan jaamacadaha” ayuu yidhi Wasiir Garas

Dhinaca kale, Wasiir Garas waxa uu ka sheegay shirkaasi in Somaliland ay xidhiidh soo jireen ah oo wadashaqayn, dhanka waxbarashada iyo amnigaba la leedahay Itoobiya sidaa daraadeedna ay Somaliland ka mudan tahay inay aqoonsi ka hesho ururka midowga Afrika, isaga oo badheedhaha qaddiyada Somaliland dhex dhigay wasiirraddii shirkaasi kasoo qaybgalay, waxaanu isagoo ka hadlaya amuurtaasi uu yidhi "waxaanu cadaadis xoogan ku saari doona hay’addaha qaramada midoobay iyo midowga Afrika sidii ay aqoonsi buuxa usiin lahaayeen dalkayaga Somaliland oo ah qaran madax bannaan oo nabadi taalo, maxaa yeelay iyadoo Somaliland aanay ku jirin ama ka maqan tahay taageero Somalia, maanaaan helin wax aqoonsi ah. Sidaad daraadeed waa inaydun si hoose u eegtaan, idinka oo indhaha ku qabanaya waxyaabaha horumarka badan leh ee dalkayagu gaadhay iyo halka aanu hiigsanayno”. Ayuu yidh wasiir Garas