Burco:Jamada Addis Ee Burco Oo Shahadooyin Gudoonsiyay Qaar Ka Mida Shaqalaha Dahabshiil Oo Dhamaysatay Tobabar Muddo Socanayay.+Sawiro

0
Sunday June 05, 2016 - 16:53:58 in by salman abdi
  • Visits: 701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burco:Jamada Addis Ee Burco Oo Shahadooyin Gudoonsiyay Qaar Ka Mida Shaqalaha Dahabshiil Oo Dhamaysatay Tobabar Muddo Socanayay.+Sawiro

    Shirkadda Dahabshiil Group oo kaashanaysa Jamacadda Addis University Burao ayaa Tababar Muddo 3 Week ah soconayey u soo Gabagabaysay Qaarkamida Shaqaalaheeda, waxana Tababarkaa lagu baranayey, Ilaalinta Tayada Shaqaalaha, Maamulka, Habladhaqanka Maca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Dahabshiil Group oo kaashanaysa Jamacadda Addis University Burao ayaa Tababar Muddo 3 Week ah soconayey u soo Gabagabaysay Qaarkamida Shaqaalaheeda, waxana Tababarkaa lagu baranayey, Ilaalinta Tayada Shaqaalaha, Maamulka, Habladhaqanka Macaamiisha iyo Casharo kale oo ku saabsan sida ay Horumar u sameeyaan Shirkaduhu una kasbadaan Macaamiil badan.


Munasibaddii lagu so xidhayey Tababarkan oo ka dhacday Xarunta Jamacadda Addis ayay ka hadleen Madaxa Tababarada ee Jamacaddaasi, Macalinkii Tababarka Bixinayey Gudomiyaha Jamacadda Waxanay Dhammaantood waxay ka warameen Muhiimadda Tababarkani u lahaa shaqaalaha Shirkadda Dahabshiil Group, Nuxurka Casharadii ay barteen iyo Faaidada uu uleyahay Koboca maskaxdooda iyo xirfadooda shaqo Sidoo Kalana waxay masuliyinta jamacaddu si gaar ah u bogaadiyeen maamulka shirkadda dahabshiil group oo ay tilmaameen  shaqaalihiisa lexejeclo badan ka qabo maadaama uu aqoonta intaas leeg inu geliyo oo ay shaqaalihiisa galaan u huray.

 



Gesta Kale Waxa ka Hadlay Qaar Ka Mida Shaqalaha Dahabshiil Oo Ka Dareen Cilyay Cashirki Ay Barteen Isla Markaana Ay Ku Dabaqi Donaan Hanaanka Shaqo Ee Ay U Hayaan Shirkada Dahabshiil Group Iyo Bulshada Ay U Adeegaan Waxanay Rajo Wanagsan Ka Mujiyeen Aqoonta Ay Barteen.

Ugu Danbayntiina Waxa Soo Afmeeray Munaasibadani Axmed Aadan Ibraahim Oo Ah Mareeyaha Shirkada Dahabshiil Ee Gobolka Togdheer Oo Hadalo Isugu Jira Dhirigalin Iyo Dardaaran Ujeediyay Shaqalaha Dhamaysatay Tobabarkani,Sidoo Kale Waxana Uu Ku Aamaanay Jamacadda Addis inay fursad aanay jaamacadaha kale bixin siiyeen shaqaalaha si gobolka iyo adeegyadiisu ba u noqdaan kuwo istaandar ah oo caalami ah. Isaga Oo Gudoomiyuhuna jaamacadaha kale gobolkana u so jediyey inay ku daydaan jamacadda addis oo ay kobciyaan tayada shaqaalaha iyo dadka adeegyada kala duwan u haya bulshada oo ay jaamacado ahaan ugu tabarucaan inay update gareeyaan.



Gebogabiina waxa halkaas shahaadooyin lagu guddoonsiyey Xubnihii Tababarka Dhammaystay ee kamid ahaa Shaqaalaha Shirkadda Dahabshiil Group ee Burco.