Guddoomiyaha KULMIYE Oo Shacabka Somaliland Ku Bogaadiyay Curashadda Bisha Barakaysan Ee RAMADDAAN -

0
Sunday June 05, 2016 - 22:34:24 in by salman abdi
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha KULMIYE Oo Shacabka Somaliland Ku Bogaadiyay Curashadda Bisha Barakaysan Ee RAMADDAAN -

    -Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay'adaha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo taageerayaasha xisbiga waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan ummaddaha kala duwan ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay'adaha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo taageerayaasha xisbiga waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan ummaddaha kala duwan ee Muslimka dunida ku nool, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland curashada bisha barakaysan ee Ramadaan ee sannadka 1437 taariikhda Hijriga, kuna beegan 06/06/2016. Guddoomiyuhu waxa uu Ilaahay ka baryayaa inuu innaga aqbalo acmaasha bishan barakaysan, shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ay badhaadhe, nabadgalyo, barwaaqo iyo horumar ku gaadhaan bisha bisheeda sannadka dambe. Waxa kaloo Guddoomiyuhu waxa uu shacabka ugu baaqayaa in la iscafiyo, lana


caawiyo dadka jilicsan iyo masaakiinta, isla markaana qof waliba jaarkiisa ka war hayo.
 
Ugu dambayn, waxaannu leeyahay shacabka ‘Ramadaan Kariim.’ Alle ha ina siiyo khayrkeeda, soonka, sallaadda iyo cibaadada kalena ha innaga aqbalo. Aamiin……Aamiin….Aamiin.
 
ALLAA MAHAD LEH.
Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE