Daawo :Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabkiisa Iyo Ummadda Islaamka Ah Ku Hambalyeeyay Curashada Bisha Ramadaan

0
Sunday June 05, 2016 - 22:39:43 in by salman abdi
  • Visits: 596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo :Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabkiisa Iyo Ummadda Islaamka Ah Ku Hambalyeeyay Curashada Bisha Ramadaan

    Anigoo ku hadlaya Magacayga, ka Xukuumadda iyo kan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Shucuubta Islaamka guud ahaan iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan, oo aan ku tahniyadaynayo bilashada bisha bara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anigoo ku hadlaya Magacayga, ka Xukuumadda iyo kan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Shucuubta Islaamka guud ahaan iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan, oo aan ku tahniyadaynayo bilashada bisha barakaysan ee RAMADAAN. Waxaan leeyahay: RAMDAAN KARIIM, KULLU CAAM WA-ANTUM BIKHAYR. ILAAHAY WAXAN KA BARYAYAA INAYNU RAMADAANTAN TEEDA KALE INNAGU GAADHSIIYO BASH-BASH, BARWAAQO, AMNI IYO IIMAAN.


 
Bisha Ramadaan waa bil weyn oo mucjisooyinka ALLE ka mid ah, Waa bil cibaado. Waa bishii Qur’aanka Kariimka ahi soo degey. Waxa ku jirta Ramadaan duruus tiro badan. Ajriga soomkeeda laga helo ka sokow, waxa laga bartaa: samirka, go’aan qaadashada,


isu-damqashada, iyo waxyaalo kale oo wanaag ah oo tiro badan.
Sidoo kale, waxaan bisha Barakaysan ee Ramadaan awgeed Illaahay uga baryayaa bukaan jiifka ay Ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaadkoodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE innagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaataan farxadan qaaliga ah ee bisha Ramadaana, waxaan Illaahay uga baryayaa denbi dhaaf iyo inuu jannooyinkiisa ku waaro.
Waxa kale oo aan halkan baaq uga dirayaa shacbiga gobolka Sool, gaar ahaan labada Ardaa ee walaalaha ah ee mashaqadu ka dhex dhacday, taas oo keentay khasaare baaxad leh oo naf iyo maalba leh oo qarankeenana dhaawac ku ah.
 
Waxaanan ugu baaqayaa in degdeg loo joojiyo colaadda sokeeye, caqliga wanaagsanna taliyo.
Waxaan ugu baaqayaa Garaadada, Cuqaasha, waxgaradka iyo culimada, inay u gurmadaan, isla markaana dhakhso loo soo afjaro dhiiga walaalaha ee qubanaya.
 
Ka xukuumad ahaana waxa naga go’an in aanan waxba kala hadhin sidii ay u istaagi lahayd colaaddu, waxaana muhiima in la karaameeyo oo la xurmeeyo bisha barakaysan ee Ramadaan
.