Guddoomiye Maxkamadda Sare Somaliland Maxu Ka Idhi Warar Sheegaya In Xafiiskiisa La Dhigay Walxaha Qarxa.

0
Sunday June 05, 2016 - 22:42:49 in by salman abdi
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Maxkamadda Sare Somaliland Maxu Ka Idhi Warar Sheegaya In Xafiiskiisa La Dhigay Walxaha Qarxa.

    Guddoomiye maxkamada sare ee Somaliland mudane Aadan Xaaji Cali ayaa ka hadlay saddex nin oo laga shakiyay isla markaana ay ciidamada amaank Somaliland gacanta kudhigeen, waxaan uu gudoomiye sheegay in ragaasi lagu daba jiray isla markaan ay saddexdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye maxkamada sare ee Somaliland mudane Aadan Xaaji Cali ayaa ka hadlay saddex nin oo laga shakiyay isla markaana ay ciidamada amaank Somaliland gacanta kudhigeen, waxaan uu gudoomiye sheegay in ragaasi lagu daba jiray isla markaan ay saddexdii casho ee u danbeeyeyba ay kusoo noqnoqanyeen maxkamada sare.


Gudoomiye Aadan Xaaji Cali oo wargeyska Warsugan la xidhiidhay ayaa sidoo kalena waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegay in xafiiskiisa la dhigay waxyaalo kamida aaladaha qarxa isla markaana la doonayay in lagu khaarajiyo isaga, waxana uu sheegay inay wararkaasi yihiin kuwo sal iyo raad toona lahayn balse ay jiraan rag laga shakiyay oo la qabqabtay.

Gudoomiye Aadan aya sheegay in ciidanka boolisku ay ragaa baadhitaano kala duwan ku hayaan.

Dhanka kalena saraakiisha ciidamada booliska Ayaan iyagu wax faahfaahina ka baxin ragan la qabqabtay iyaga oo sidoo kalena aan wali la shaacin magacyada saddexda nin .

Warsugan