Hargaysa:Guddoomiyaha Waddani Oo Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Hambalyo U Diray Shacabka Somaliland

0
Sunday June 05, 2016 - 22:44:03 in by salman abdi
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Guddoomiyaha Waddani Oo Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Hambalyo U Diray Shacabka Somaliland

    Guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga waddani C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, isagoo ku haddlaya magaciisa ka golaha wakiilada somaliland iyo ka xisbiga WADDANI wuxuu dhammaal hambalyo u dirayaa guud ahaanba shucuubta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga waddani C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, isagoo ku haddlaya magaciisa ka golaha wakiilada somaliland iyo ka xisbiga WADDANI wuxuu dhammaal hambalyo u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka meelkasta oo ay ku kala noolyihiin, gaar ahaan shacabka reer somaliland Dalka iyo Debadba, curashada bisha barakaysan ee ramadaan caawa oo bisha miilaadigu tahay 6/06-2016 curatay, halka ay bisha hijriga ahi ka tahay caawa 1-09-1437.

 
Guddoomiyuhu wuxuu alle ka barayaya inuu bishan barakaysan ee Ramadaan khayrkeeda ina waafajiyo inagana yeelo kuwii ku camira cibaado suuba iyo camal saalixa, sanadkan sanadkiisana alle ha inagu gaadhsiiyo caafimaad qab iyo cimri dherar.
 
Dhanka kale guddoomiye cirro ayaa alle uga beryay inuu


caafimaad sareecana siiyo inta xanuusanaysa ee aan awoodin inay waajibka soonka gutaan, halka intii dhimatayna uu alle uga baryey inuu u rabi naxariistisii janotul Fardows uu ka waraabiyo.
 
Guddoomiye Cirro ayaa gunaanadkii ugu baaqay dhammaanba buslshada muslimiita ah ,gaar ahaana shacabka reer somaliland in ay ka faa'iidaystaan khayrka bisha barakaysan ee Ramadaan,waxaanu ugu baaqay in ay ka dheeraada wixii soonkooda wax yeelaya
 
Allaa Mahad Leh
Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI