Madaxweynaha Soomaaliya Oo Markii u horreysay Maanta Booqanaya Xeryaha Qaxoontiga Soomaalida Ee Dalka Kenya.

0
Monday June 06, 2016 - 10:06:12 in by salman abdi
  • Visits: 583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya Oo Markii u horreysay Maanta Booqanaya Xeryaha Qaxoontiga Soomaalida Ee Dalka Kenya.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in markii u horeysay uu booqdo Xerada Qaxootiga Dhadhaab,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in markii u horeysay uu booqdo Xerada Qaxootiga Dhadhaab,

halkaasoo ay ku nool yihiin nus milyan ruux oo qaxooti Soomaaliyeed.

timthumb

Dowladda Kenya ayaa dhowaan sheegtay inay xireyso xeryaha qaxootiga, ayna dib u celineyso kumanaanka qaxooti ee ku sugan gudaha dalkeeda.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo la hadlayay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqasho rasmi ah ku imaanayo Kenya, isagoo xusay in maanta uu tagi doono xerada qaxootiga Dhadhaab.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynuhu u kuur galayo xaalada qaxootiga ee ku sugan xeryahaas, isagoo u soo gudbi doona magaalada Nairobi.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa maalinta berri oo Talaado ah kulmaya, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo go’aanka dowladda Kenya ku dooneyso inay ku xirto xeryaha qaxootiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in aanay macquul aheyn in xilligan dowladda Kenya ay xirto xeryaha qaxootiga, isagoo doonaya in Kenya ku qanciyo inay ka laabato go’aankaas deg dega ah.

Haddii Madaxweynaha uu booqdo Xerada qaxootiga Dhadhaab waxaa uu noqonayaa Madaxweynihii u horeeyay ee Soomaaliyeed oo booqda xeradaas oo muddo 25 sano ay ku nool yihiin qaxooti ka soo cararay dagaaladii sokeeye iyo colaadaha Soomaaliya.

Dhamaadka sanadkan ayay dowladda Kenya cadeysay inay gebi ahaanba xireyso xeryaha qaxootiga.