Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga Oo Ugu Baaqay Dawladda Inay Hakiso Qorshaha Dib U Celinta Qaxoontiga.

0
Monday June 06, 2016 - 10:13:41 in by salman abdi
  • Visits: 588
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga Oo Ugu Baaqay Dawladda Inay Hakiso Qorshaha Dib U Celinta Qaxoontiga.

    Hogaamiyaha Isbaheysiga mucaaradka Cord ee Kenya Raila Odinga ayaa ugu baaqay dowladda inay dib u dhigto go'aanka ay ku dooneyso inay ku xirto xeryaha qaxootiga Dhadhaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha Isbaheysiga mucaaradka Cord ee Kenya Raila Odinga ayaa ugu baaqay dowladda inay dib u dhigto go'aanka ay ku dooneyso inay ku xirto xeryaha qaxootiga Dhadhaab.


Raila Odinga ayaa sheegay in ugu horeyn looga baahan yahay dowladda Kenya inay sugto ammaanka qaxootiga, ka hor inta aan dalkooda dib loogu celin.

"Haddii Ciidamadeena lagu dilayo Soomaaliya, maxaa dadka rayidka ee ku sugan Dhadhaab loo celinayaa, ma waxaad u celineysaan inay dhintaan”ayuu yiri Odinga oo meel fagaare ah Sabtidii kula hadlayay dadweynaha reer Gaarisa

Waxaa uu ka codsaday dowladda Kenya inay hakiso dib u celinta qaxootiga, isla markaana inta aan la celin qaxootigan loo sameeyo guryo la dejiyo.

"Dadkaan waxay ka soo carareen dagaalo ka socday dalkooda, idinkana waxaa dooneysaan inaad dib u celisaan.

Xerada Qaxootiga Dadhaab ayaa ah xerada ugu weyn ee Caalamka, halkaasoo ay ku nool yihiin illaa nus milyan qaxooti u badan Soomaali

Qaxootiga ugu badan ayaa ka soo baxsaday dagaaladii sokeeye ee ka qarxay Soomaaliya sanadkii 1991, markii xukunka laga tuuray Madaxweyne Mohamed Siad Barre.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in bisha November ay bilaabeyso dib u celinta qaxootiga ku sugan xerada Dhadhaab.