Madaxweynaha Turkiga Oo Ku Sii Jeeda Dalka Maraykanka Si Uu Uga Qayb Galo Aaska Maxamed Cali Kalaay.

0
Tuesday June 07, 2016 - 09:59:44 in by salman abdi
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Turkiga Oo Ku Sii Jeeda Dalka Maraykanka Si Uu Uga Qayb Galo Aaska Maxamed Cali Kalaay.

    Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan iyo boqorka Jordan Boqor Cabdallah ayaa imanaya dalkan Maraykanka si ay uga qeybgalaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan iyo boqorka Jordan Boqor Cabdallah ayaa imanaya dalkan Maraykanka si ay uga qeybgalaan

aaska feeryahankii hore ee Maraykanka Maxamed Ali Kalaay oo toddobaadkii hore dhammaadkii geeriyooday.

Erdogan_Obama_1

Afhayeenka qoyska Maxamed Cali Kalaay oo hadalkaas ku dhawaaqay ayaa sheegay in aaska Maxamed uu ka dhici doono magaalada Louisville ee gobolka Kentucky maalinta jimcaha ah.

Munaasabadda ayaa lagu qaban doono garoon ciyaaraha ah oo 22 kun oo kuraas ah leh, waxaana maydka Maxamed Cali la marsiin doonaa wadooyinka magaalada, iyadoo sidoo kale munaasabadda online-ka si toos ah looga daawan doono.

Maalinta Khamiista, waxaa jiri doonto munaasabad aas ah oo qoyska Maxamed Cali ay ka qeybgali donaan, iyadoo waliba la sameyn doono salaadda jinaasadda.

Afhayeen u hadlay qoyska Maxamed Cali Kalaay ayaa sheegay in habka aaska uu u dhacayo uu hore u sii qorsheeyay Maxamed Cali Kalaay ka hor intii aanu u dhiman cudurka Laleelmada oo muddo badan hayay.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Maxamed Cali uu doonayay in dad badan oo kale diimo ah ay ka soo qeybgalaan aaskiisa.

Dadka munaasabadda aaska haddallada ka jeedin doona waxaa ku jira madaxweynihoii hore ee Maraykanka Bill Clinton, oo muddo dheer ay saaxiibo ahaayeen Maxamed Cal Kalaay