Silvio Berlusconi Raysal Wasarihii Hore Ee Talyaniga Oo Cisbitaal La Dhigay

0
Wednesday June 08, 2016 - 08:05:15 in by salman abdi
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Silvio Berlusconi Raysal Wasarihii Hore Ee Talyaniga Oo Cisbitaal La Dhigay

    Raysal Wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa la dhigay Isbitaal ku yaala magaalada Milano, kadib markii uu soo wajahay xanuun xaga wadnaha ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa la dhigay Isbitaal ku yaala magaalada Milano, kadib markii uu soo wajahay xanuun xaga wadnaha ah.

79 jirkan ayaan xaaladiisa aheyn mid wal wal ah, sida ay sheegtay afhayeenad u hadashay Xisbigiisa, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu maro baaritaan.

War qoraal ah oo ka soo baxay Isbitaalka la dhigay ee San Raffaele hospital ayaa lagu sheegay inay lagama maarmaan aheyd in isbitaalka la keeno, maadaama ay jireen baaritaano dhinaca wadnaha ah oo lagu sameyn lahaa. Silvio Berlusconi oo ah maalqabeen caan ah ayaa muddo afar jeer soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, balse waxaa xukuntay maxkamad markii lagu helay canshuuro uu la goostay iyo laaluush.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegaya in xaaladiisa aanay aheyn mid qatar ku jirta, hase ahaatee si weyn looga dareemay Talyaaniga oo dhan, markii la maqlay in Isbitaal loola cararay.