"Ma Aaminani in Somaliland oo lagu Daro Somaliya ay Nabadgelyadu ugu So Noqonayso oo ay ku Noqonayso Mid Xasilloon Somaliya"Madaxweyne Silanyo

0
Wednesday June 08, 2016 - 08:11:13 in by salman abdi
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ma Aaminani in Somaliland oo lagu Daro Somaliya ay Nabadgelyadu ugu So Noqonayso oo ay ku Noqonayso Mid Xasilloon Somaliya"Madaxweyne Silanyo

    Madaxwayne Somaliland Oo Aragtidiisa Ka Dhiibtay Habka Nabad Looga Dhalin Karo Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne Somaliland Oo Aragtidiisa Ka Dhiibtay Habka Nabad Looga Dhalin Karo Soomaaliya.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka hadlay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Somalai waxaana uu sheegay inuu jecelyahay inuu arko Somalia nabad ah balse aan duudsiyayn xuquuqda Somaliland u leedahay madaxbanani iyo ictiraaf caalami ah.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa sidoo kale sheegay in xalka Somalia uu ku jiro garwaaqsiga gooni isu taaga Somaliland, isla markaana waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inaanay nabadda Somalia ka raadin midnimada labada dal. Madaxwaynaha oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

"Ereyo kooban haddii aan ka idhaahdo xadhiidhka annaga iyo Soomaaliya. Waxan rabnaa in aanu aragno Soomaaliya xasilloon oo nabadi ka jirto hase ahaatee ma aaminsanin Somaliland oo lagu daro soomaaliya ayaa Soomaaliya ku noqonaysoo mid deggan oo nabadgelyadu u soo noqoto.

Somaliland waxa ka go’an inay ka qaybqaato xal loo helo soomaaliya, hase ahaatee wax loo baahan yahay in xalkaasi noqdo mid waaqaciya, kana tarjumaya runta jirta oo Somaliland rabitaankeedu ku qotoma. waxay qaadday jid ka duwan kan Soomaaliya, waxanay iskeed u dhisatay dalkeeda dimuqraadiga ah.

Federal Soomaaliya ah oo ay Somaliland ka mid tahay ma jiro, weligeedna ka qaybgali mayso doorasho ka dhacda Soomaaliya. Shacbiga Somaliland waxay doorteen jidka madaxnanaanida muddo haatan gaadhaysa rubuc qarni ama 25 sano, dibna uma laabanayaan, waayo hadday dib u laabtaan macneheedu waxa waaye in la masaxo, lana tirtiro wixii guullo ilaa hadda aan gaadhnay dastuurkayaga iyo nidaamkayaga siyaasadeedna aan dafirno”. ayuu yidhi madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo