Faysal Cali Waraae oo si adag uga hadlay Dagaalkii ka dhacay Degaano ka tirsan Gobolka SOOL

0
Wednesday June 08, 2016 - 16:45:31 in by
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraae oo si adag uga hadlay Dagaalkii ka dhacay Degaano ka tirsan Gobolka SOOL

    Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay in dagaalka ay joojiyaan laba beeleed oo walaalo ah oo dhawaan dagaal ku dhexmaray deegaaanka dharkeen geeyo oo ka tirsan gobalka sool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay in dagaalka ay joojiyaan laba beeleed oo walaalo ah oo dhawaan dagaal ku dhexmaray deegaaanka dharkeen geeyo oo ka tirsan gobalka sool.

Waxaanu nasiib darro ku tilmaamay in shaqaaqo ka dhacdo Somaliland oo ah meel nabad lagu majeerto. Guddoomiyaha UCID oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Waxaa  jira dagaal beeleed ka dhacay degaanka Dharkayn-geenyo oo ka  tirsan gobalka Sool, Faysal Cali Waraabe, oo shalay hadal ka jeediyay  xaflad  qalab ciyaareed lagu guddoon siinayay kooxaha ciyaaraha ee degmadda Sallaxley  ayaa ku baaqay in la joojiyo shaqaaqadii ka dhacday degaanka Dharkayn-geenyo.

laba beelood ayaa halkaa isku dilay, ilaa 32 qof ayaanay iska dileen. Taasina waxay ku tusaysaa in aanay nabadi jirin, horumar-na aanu imanayn, markaa waxaan ugu baaqayaa in ay xabada joojiyaan.” Sidoo kale Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay xukuumadda in loo gurmaddo dadkaasi walaalaha ah ee iska hor imaadku dhex maray. "Xukuumadda-na waxaan  leeyahay waa in la kala dhexgalo oo loo gurmado,  waayo waa dadkeenii, waa reer Somaliland, oo qof qudha ayaan isku nahay, garaadada reer Sool iyo kuwa reer Somaliland waa in ay u gurmadaan labadaa beelood ee dagaalku dhexmaray. Xukuumaddu-na way ku baxday oo si fiican ayay yeeshay,  waana in dadka la kala qabto. Waana inagu fool-xumo in Somaliland oo ugu horaysay meelaha nabada ah Soomaalida in xabadi ka dhacdo” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.