"waa in aynu sugnaa in qofka muwaadinka ah in aan toos la isaga xidhin oo darriiqa saxda ah loo soo maraa"Wasiirka Cadaalada Somaliland

0
Thursday June 09, 2016 - 12:54:11 in by Burco Office
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "waa in aynu sugnaa in qofka muwaadinka ah in aan toos la isaga xidhin oo darriiqa saxda ah loo soo maraa"Wasiirka Cadaalada Somaliland

    Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Faarax Cadare, ayaa sheegay in Wasaaradda Caddaaladdu dardargelinayso in hannaanka caddaaladda loo sugnaado,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Faarax Cadare, ayaa sheegay in Wasaaradda Caddaaladdu dardargelinayso in hannaanka caddaaladda loo sugnaado,

 xuquuqda muwaadiniintana la sugo oo qof kasta oo la xidhaayo sharciga siduu yahay loo soo maro.


"Qaabka reer Somaliland u dhaqmaan waa in wax laga beddelaa, waa in aynu sugnaa in qofka muwaadinka ah in aan toos la isaga xidhin oo darriiqa saxda ah loo soo maraa, loona soo qaata waaranka, laakiin waxan inta qofku iska soo cararo askariga u yeedhaayo ee qofka la iska xidhaayo sharcigu ma ogola, cidda waddana waxaannu leenaahay joojiyaa.

Xuquuqal-insaanku waa waajib ina saaran, maaha Wasaaradda Caddaaladda oo kaliya ee qofka muslimka ah waa inuu xaqa uu qofka Muslimka ah ku leeyahay ilaaliyaa, waana lagama maarmaan. Waxna waxa weeyaan iska hadal suuqa gala, marka aynu halkaas ka duulayno waxay u baahan tahay miisaankeeda oo sharcigu qofka masuulka ah iyo qofka miskiinka ah waa in ay u sinadaan, maahana inuu qofna qabto, qofna sii daayo. Wasaarad Caddaalad ahaan waxa aannu dardargelinayno waxa ka mid ah in qofka muwaadinka ah xilkuu doono ha hayee amma yaannu hayne wixii markay noqoto gar, gari Allay taqaanna, garta loo sinaado,” ayuu yidhi Md. Axmed Faarax Cadare

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Md. Faarax Cadar oo telefiishanka HCTV u warramay waxa xusay in xabsiyada ay ka socdaan hawlo wax lagu baraayo maxaabiista, dib-u-habaynta noloshooda lagu samaynaayo, waxaannu yidhi; "Waxa aynu nahay dad Muslim ah oo shareecada islaamka dabaqa, kuna faana, salaaduna waa muhiim. Dadka qolka lagu xidhana inta uu qadi karo waad taqaana. Waxa yimaada qaar aan waligood salaad tukan, qaar culimo ah baa yimaada, qaar xag jir ah baa jira, qaar caqiido kale aaminsan baa jira. Laguma haleeyo intaas oo kaliyaata, qof kasta waa loo fasaxa salaadaha faralka ah iyo xilligay tukanayaan.

Waxa jiray dhallinyaro qurba-joog ah oo in badan hawshaas waday oo yidhi maadaama aan xabsigu ahayn meel qofka lagu cadaadiyo, balse uu ahaado asluubta oo ah anshaxii iyo in qofka dib-u-habayn lagu sameeyo. Marka dadkaas waxay u baahan yihiin in dib-u-habayn lagu sameeyo. Qaar muddo gaaban bay xidhan yihiin, qaarna way ku jirayaan, marka waxa uu qofku xaq u leeyahay inuu qofku helo wixii uu helaayey.”