Naadiga Halkaraan Oo Furay Tartan Aqooneed Dugsiyada Hoose Dhexe Ee Bisha Ramadaan Magaalada Burco Iyo Maasuliyiinta Gobolka Togdheer Oo Ka Qayb Galay +Sawiro

0
Thursday June 09, 2016 - 15:12:31 in by Burco Office
  • Visits: 1018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naadiga Halkaraan Oo Furay Tartan Aqooneed Dugsiyada Hoose Dhexe Ee Bisha Ramadaan Magaalada Burco Iyo Maasuliyiinta Gobolka Togdheer Oo Ka Qayb Galay +Sawiro

    Munaasibada Balaadhan oo lagu daah furaayey Tartan Aqooneed Loogu Magac daray Maxamuud axmed cali ee Dugsiyada Hoose Dhex Ee Magalada Burco Oo Bisha Ramadaan Ay Qabato Naadiga Akhriska Iyo Qoraal ee Halkaraan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibada Balaadhan oo lagu daah furaayey Tartan Aqooneed Loogu Magac daray Maxamuud axmed cali ee Dugsiyada Hoose Dhex Ee Magalada Burco Oo Bisha Ramadaan Ay Qabato Naadiga Akhriska Iyo Qoraal ee Halkaraan

Waxaan Ka Soo Qayb galay Munaasbada Lagu Daah furaayye Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibaraahin Aadan Qabo iyo Maayirka Magaalda Burco maxamed muraad  ardayda tartamasa macalimiinta dugsiyadaasi iyo marti shaar kale 
Waxaan Sanadkan tartan Aqoonedka Ka Soo Qayb Galay in ka badan Shan Iyo TobaN iskuul Oo Ku Yaala Mgaalada Burco


Waxa ugu horeentii Halkaasi ka Hadashaya Gudoomiayaha naadiga akhriska iyo qoraalka ee halkaraan nasra kaysa xaaji diiriye waxay tilmaamtay faa'idada uu leeyahay arday dugsiyada hoose dhexe ee magaalada burco tarankan "tartankani waa kii aan qabaan jirnay bilkasta oo ramadan ah oo waxan ugu talagalnay ina ardaydu ka faa'iidaysaan mudoda fasaxa ku jiraan naadiga halkaraan waxaa uu diyaar u yahay In Inta bulashada ku dhaqan gobolka u so bandhgo wax yaabo badan oo faa'iido leh waxaan maanta inoo furmaaya tartankii maxamuud axmed cali ugu magac darnay oo ahaa abihii waxbarshada umada afka somaliladn ku hadasha "nasra kayse oo hadalkeedii si wada waxay tidhi "mudada uu taratanku uu socdo waxa awooda saari doona sidii ugu wanaagsan ee uu socon doona tartankani , dugiyda waxaan leeyahay hadii maanta laga badiyo waxaa dhibi ma jiraan oo tartan aqooneed baa sidaas ah "ayey tidhi gudoomiyaha naadiga halkaraan


Qaar kamida macaalimiintii arday dugsiyadoodu tartamayaan ayaa sheegay naadiga halkaraaan bulshada magaalada burco wax weyn ku soo kordhiyeen mudadii naadigu jiray waxay ugu baaqee in halkaasi ka sii wadaan tartamada noocan oo kale ah

Maayirka Magaalda Burco maxamed muraad waxaana soo dhaweeyey  tartanka aqooneed lagu magac daray maxamuud axmed cali  "waxaan aad ugu faraxsanahay in tartamo nocon ah la qabto oo waxay bulshada faa'iido weynbay u leeyihiin dhalinyarada waxaana taramada noocon ahi keenaan is dhex galka bulashada"ayuu yidhi maayirka magaalda burco




gagabdii waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibaraahin Aadan Qabyotire waxaa ka sheekeeyey faa'iidadan ku jirta tartan aqooneedkan nooci oo kale ah ,waxaanu tilmamay in ardaydu ka faa'idaysan doonan mudo uu socdo waxaana uu yidhi "halkaraan waxaan ugu hambalyeenaya in tartan aqooneedkan qabato waxaa uu ahaa mid  baahi weyn baa loo qabay tartanka bishaan barakaysan ee ramadaan xiliyada fasaxa waa in laga faa'idaystaa wakhtiga oo arday tartamo noocan oo kale ah loo qabtaa anigu halkaraan garaabkeeda baan ahay waxaan ku faraxanahay taratankan aad qabateen waaana idinku bogaadinaya :Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Gobolka Togdheer








Cabdirisaaq Cabdilaahi Sh. aadan (Cabdirisaaq koronto)
Afkashacabka.com
Burco/Office
Koronto935@gmail.com