Baarlamaanka Kenya Oo Ka Shiraya Cabashada Mucaaridka Ee Guddiga Doorashada

0
Friday June 10, 2016 - 13:32:30 in by salman abdi
  • Visits: 691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Kenya Oo Ka Shiraya Cabashada Mucaaridka Ee Guddiga Doorashada

    Baarlamaanka Wadanka Kenya ayaa maanta fadhi ka yeelanaya rabshadaha ka dhashay iyo kacdoonka xisbiyada mucaaridka uga soo horjeedaan guddiga Doorashada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Wadanka Kenya ayaa maanta fadhi ka yeelanaya rabshadaha ka dhashay iyo kacdoonka xisbiyada mucaaridka uga soo horjeedaan guddiga Doorashada.


Kenya's Supreme Court judges file into the chamber during the opening of the 11th Parliament in the capital Nairobi April 16, 2013. REUTERS/Noor Khamis (KENYA - Tags: POLITICS)

 

Xisbiyada Mucaaridka ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay Isniin walba banaanbaxyo rabshada wata ka dhigayey caasimada Nairobi, si ay u muujiyaan diidmadooda ku aadan guddiga Doorashada Kenya oo ay ku tilmaameen mid aan dhex dhexaad ahayn oo la shaqeenaya Madaxweynaha talada haya ee Uhurru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa William Ruto.

Xildhibaanada Kenya gaar ahaan kuwa xisbiyada Mucaaridka ayaa soo jeediyey in guddi loo saaro cabashada mucaaridka, isla markaana la eego sida lagu xalin karo xiisada ka taagan guddiga doorashada.

Doorashada guud ee dalka Kenya ee la qorsheeyey inay dhacdo sanadka soo socda ee 2017 ayaa laga cabsi qabaa inay keento rabshado lamid ah kuwii dalkaasi ka dhacay doorashooyinkii 2007-2008 oo ay ku dhinteen kumanaan dad ah.