Sucuudiga iyo Qaramada Midoobay Oo Is Khilaafay.

0
Friday June 10, 2016 - 13:34:53 in by salman abdi
  • Visits: 528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga iyo Qaramada Midoobay Oo Is Khilaafay.

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa sheegay in uu cadaadis xoogan la kulmay, si uu dalka Sacuudi Carabiya iyo qaar ka mid ah xulafadiisa uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa sheegay in uu cadaadis xoogan la kulmay, si uu dalka Sacuudi Carabiya iyo qaar ka mid ah xulafadiisa uu
 uga saaro liiska madow ee tacaddiyadda carruurta looga geystay dalka Yemen, oo xulufadaasi ay kula dagaalamayaan xooggaga Xutiyiinta.

Sacuudi Carabiya ayaa ka biya diiday warbixin ay Qaramada Midoobay soo saaratay warbixin sheegeysa in xulafada ka dagaalamaysa Yemen, ay masuul ka tahay boqolkiiba 60 carruurta ku dhimatay ama ku dhaawacantay dagaalka halkaasi ka dhacay sanadkii hore.

Isaga oo la hadlaya weriyayaasha ayaa, Mr Ban, waxa uu sheegay in uu aqbalay dhaleeceynta loo soo jeediyay, waxa uuna sheegay inuu ka shaleynayo qaadashada go'aankaasi uu Sacuudiga iyo xulafadiisa uga saaray liiska.

 

Sacuudi Carabiya ayaa beenisay in ay cadaadis saartay Qaramada Midoobay.

Safiirkeeda u fadhiya Qaramada Midoobay, Cabdullahi al-Mucallimi, ayaa sheegay qaabka ay adeegsatay Qaramada Midoobay markii ay go'aankaasi gaareysay in uu ahaa mid qalad badan uu ku jiray.





 

Source:BBC.