Falaanqeynta Kulanka Caawa Ee Furitaanka Euro 2016 Ee France Vs Romania.

0
Friday June 10, 2016 - 13:39:02 in by salman abdi
  • Visits: 972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falaanqeynta Kulanka Caawa Ee Furitaanka Euro 2016 Ee France Vs Romania.

    Waxaa caawa si rasmi ah magalaada Paris garoonka Stade de France ee Saint-Denis ee dalka France kaga furmi doono tartanka Euro 2016

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa caawa si rasmi ah magalaada Paris garoonka Stade de France ee Saint-Denis ee dalka France kaga furmi doono tartanka Euro 2016

oo mudo la wada sugayay waxayna xulka koobkaan martigelinaya ee France ay wajihi doonaan xulka Romania oo koobkaan si cajiib ah ku soo gaaray.

france-romania-preview-badge-graphic_3480347-533x300

Kulanka:France Vs Romania

Garoonka:Stade de France ee Saint-Denis, oo ku yaala banaanka magalaada Paris.

Saacada Geeska Afrika:10:00 Fiidnimo

Halkee Laga Daawan Karaa: ITV 1 (Uk) Bieng Sport (Asia iyo Afrika ) Viaplay (Scandanavians )

Falaanqyenta Kulanka:

Les Bleus ayaa ku furi doonta olalahooda tartanka European Championship kulanka ay caawa Stade de France kula ciyaari doonaan kooxda ay isku Group A ee Romania oo tartankaan kusoo gaartay si cajiib ah.

France ayaa rikoor fiican ka heysata marka ay martigelineyso koobabka waa weyn iyagoo ku guuleystay Euro 1984 and the World Cup iniyo koobkii aduunka ee 1998 – wuxuuna kabtankooda Hugo Lloris uu ka hami weynaan doonaan inuusan ka hooseyn kabtanadii ka horeeyay isaga.

Dhanka kale xulka maclain Anghel Iordanescu ayaa si qurux badna ugu soo baxay tartankaan iyagoo heystay daafacyadii ugu fiicnaa ee xulalkiisoo maray isreebreebka waxaana laga dhaliyay kaliya labo gool.

"France si cad ayeey nooga weyn yihiin, Didier Deschamps wuxuu heystaa ciyaartooy heer caalami ah oo ka ciyaara Champions League iyo Europa League” ayuu yiri macalinkaan isagoo hadlayay.

Wararka Labada Xul:

France ayeey dhowr ciyaartooy dhaawac kaga tageen liiskii koowaad ee 23-ciyaartoo ka koobnaa iyadoo tartankaan ay sababo kala duwana ku seegi doonaan Lassana Diarra, Mathieu Debuchy, Mamadou Sakho, Raphael Varane, Jeremy Mathieu oo dhamaan dhaawac iyo Karim Benzema iyo Mathue Valbeunna oo xulka laga saaray kadib dacwad dhexmartay labadooda.

Laakin liiska ciyaartooyda haatan u jooga ayaa dhamaan filaya iney diyaar u ahaadeen kulankaan caawa ee furitaanka tartanka waxaana la filayaa in garabka West Ham ee Dimitri Payet ama weeraryahanka Manchester United ee Anthony Martial uu weerarka kula biiro Olivier Giroud iyo Antoine Griezmann iyadoo wararlaga helayo France ay sheegayaan in xidiga Manchester United ee Anthony Martial uu boos ka raadsan doono keydka.

Romania daafacooda bidix Steliano Filip ayaa ahaa walwalka kaliya ee heystay xulkaas laakin wuxuu taam buuxo u noqon doonaa inuu ku bilowdo kulankaan.

Xaqiiqooyinka

France lagama adkaan 10 kulan ee u danbeysay ee ayla ciyaareen Romania (Guul5 iyo 5 Barbaro ). However, si kasto afar kamid ah shantoodii kulan ee u danbeysa ayaa ku dhamaaday barbaro.

Romania guul ay ka gaarto France waxaa ugu danbeysay April 1972. waxay aheyd ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Bucharest waxayna kudhamaatay 2-0.

Kulankaan ayaa noqon doono kii sadexaad ee ay France iyo Romania ku kulmaan Euros dhamaana waxay ka dheceen heerka guruubyada laakin labadii kulanba waxaa ka dhashay kaliya hal gool waxaana ku adkaayay France 1996 (1-0) ka hor inta aysan barbaro gool la`aan ah galin 2008.

France ayaa adkaatay lix kulan halka ay barbaro gashay mid kale kadib todobo kulan oo ay ku ciyaartay Stade de France (Koobka aduunka, Confederations Cup).

Les Bleus ayaa ka qeyb qaadanaya koobkoodii sagaalaad ee European Championship waxayna ku guuleysteen labo jeer, 1984 iyagaa martigeliyay kuna guuleystay iyo 2000. kaliyana Germany iyo Spain ayaa ku guuleystay koobab ka badan iyaga (3 Midkiiba).

France ayaa ku guuldareystay iney gool dhaliso shan kamid ah sideedii kulan ee ugu danbeysay ee tartanka Euro ay ciyaaraan.

Romania waligood ma adkaan kulanka furitaanka Euros (Guuldaro 3 iyo 1 guuldaro).

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul:

Shaxda Macquulka Ah Ee France: Lloris, Sagna, Rami, Koscielny, Evra, Pogba, Kante, Matuidi, Greizmann, Payet, Giroud

Shaxda Macquulka Ah Ee Romania: Tatarusanu, Sapunaru, Chiriches, Grigore, Rat, Pintilii, Hoban, Torje, Stanciu, Stancu, Andone.