Hargaysa:Xisbiga Wadani Oo Canbareeyay Dhalinyaro La Xidh-dhay, Ku Waas Oo Ka Soo Horjeestay Heshiiska DP World.

0
Saturday June 11, 2016 - 08:27:05 in by salman abdi
  • Visits: 751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Xisbiga Wadani Oo Canbareeyay Dhalinyaro La Xidh-dhay, Ku Waas Oo Ka Soo Horjeestay Heshiiska DP World.

    Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa kala faquuqay dhallinyaro ay xukuumaddu dhawaan xabsiga u taxaabtay, kuwaas oo naqdiyey heshiiskii Dp World iyo Somaliland, waxaana Masuuliyiinta Xisbigani ay cunsuriyadi ku dheehan tahay u kala faquuqeen da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa kala faquuqay dhallinyaro ay xukuumaddu dhawaan xabsiga u taxaabtay, kuwaas oo naqdiyey heshiiskii Dp World iyo Somaliland, waxaana Masuuliyiinta Xisbigani ay cunsuriyadi ku dheehan tahay u kala faquuqeen da'yartaas iyaga oo si gaar ah uga hadlay uun xubno xisbigooda ka tirsan oo ka mid ah dhalinyarada xidhxidhan.


 


Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigaas, ahna ku-simaha guddoomiyaha Md Axmed Muumin Seed oo warbaahinta la hadlay, ayaa isagoo ka falcelinaya xadhiga xubnaha dhallinyarada ah waxa uu hadalkiisa ku koobay oo kali ah Maxamed Sidiiq Dhamme oo xisbigiisa katirsan, isagoo aan xataa soo hadal qaadin ugu yaraan afar dhallinyaro ah oo wiilkaas la xidhan. Guddoomiye Seed oo indhaha ka qarsanaya wiilasha xidhan, isla-markaana wiilka xisbigiisa katirsan cabashadiisa ku koobaya, ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, "waxa magaalada Hargeysa maalintii saddexaad ku xidhan Maxamed Sidiiq Cabdilaaahi oo ahaa afhayeenkii garabka dhallinyarada xisbiga WADDANI, waa masuul qaran oo xaqiisa leh ilaa haatanna sabab uu ku xidhan yahay iyo dembi uu geystay midna lama hayo, waxana nasiib darro in maxkamadda la geeyey oo rumaan toddoba cisho ah loosoo qaaday.

” Axmed Muumin Seed waxa uu sheegay inaanay jirin cid ilaa haatan dacweysay wiilka xisbigiisa katirsan ee xabsiga ku jira, waxana uu tilmaamay in xadhigiisu sharciga baalmarsan yahay,"dembiga lagu haysto iyo cidda soo dacweysay ilaa hadda ma hayno, waxana aanu cambaaraynaynaa xadhigga masuulkaas oo aanu u aragno inuu sharciga baalmarsan yahay, waayo haddii uu qaranka dembi ka galay iyo haddii shakhsi ka galayba waxa ay ahayd in sharciga loo maro.” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed. Ku-simaha guddoomiyaha WADDANI mudane Seed waxa uu xukuumadda u diray baaq ku aadan sii daynta xubinta xisbigiisa katirsan, isagoo afkiisa u diiday inuu xataa hal mar xuso wiilasha kale ee xidhxidhan, waxana uu yidhi,:

"xukuumadda waxanu ugu baaqaynaa in sarkaalkaas si degdeg ah xorriyadiisa loogu soo celiyo, haddii ay taasi dhici weydo waxanu ka-masuuliyiin ahaan qaadan doonaan inaanu dacwadiisa sii wadno ilaa halka ay nala gaadho.”