Mid Ka Mida Somalida Ku Nool Dalka Norway Oo Ka Mid Noqday Bahda Garsoorka Ee Dalkaasi

0
Saturday June 11, 2016 - 08:31:50 in by salman abdi
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Ka Mida Somalida Ku Nool Dalka Norway Oo Ka Mid Noqday Bahda Garsoorka Ee Dalkaasi

    Xildhibaan Cabdirisaaq Cali Xasan oo ka tirsan golayaasha degaanka ee gobolka Hedmark iyo magaalada Stange ee dalka Norway ayaa waxaa markii labaad loo doortey inuu muddo afar sano ah in xubin ka sii noqdo gudigga garsoorka ee isla gobolkaasi Hedmark

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cabdirisaaq Cali Xasan oo ka tirsan golayaasha degaanka ee gobolka Hedmark iyo magaalada Stange ee dalka Norway ayaa waxaa markii labaad loo doortey inuu muddo afar sano ah in xubin ka sii noqdo gudigga garsoorka ee isla gobolkaasi Hedmark.

Go’aankan lagu doortey xubintan Soomaaliga ah ayaa yimid ka dib shir ay dhawaan yeesheen golaha degaanka magaalada Stange kaasoo looga hadlay cidii u matali laheyd gudiga golaha garsoorka ee gobolkaasi.


Mudane Cabdirisaaq Xasan ayaa asagu xilkan horey u qabtey sanadkii 2012 isagoo hayey muddo afar sano ah, waxaana uu xilkan sii hayn doona ilaa sanadka 2020-ka.

Doorashadan uu uga mid noqonayo golaha garsoorka gobolka Hetmark oo ka mid ah gobolada ugu balaaran dalka Norway xubin asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa imaaneysa xilli ay bulshada Soomaalida ee ku dhaqan guud ahaan dalkan Noway ay la jahawareersan tahay go’aanno si is daba jooga uga soo baxey hay’adaha garsoorka iyo soo galootiga kuwaasoo oo iyagu la xiriira dhinaca sharciyada socdaalka iyo degenaanshaha wadanka Norwey.

Ka sokow xilalka garsoorka ee gobolka iyo xubinimadiisa golaha deegaanka ee gobolka Hedmark ayaa Xildhibaan Xasan waxaa uu hayaa xilal kala duwan oo isugu jira kuwo heer gobol iyo heer dagmo ee dalka Norway taasoo uu ku muteystay howlkarnimadiisa iyo dedaalkiisa joogtada ah.