Dawladda Itoobiya Oo Ciidamo Aad U Hubaysan Soo Dhoobtay Xuduudda Ay La Wadaagto Somaliland

0
Saturday June 11, 2016 - 08:44:58 in by salman abdi
  • Visits: 826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Itoobiya Oo Ciidamo Aad U Hubaysan Soo Dhoobtay Xuduudda Ay La Wadaagto Somaliland

    Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhay Deegaanka Gaashaamo ee ay ka dhacay Dil wadareedka ay fuliyeen Ciidamada Itoobiyaanka ahi ayaa daaha ka rogay in Dawlada Itoobiya ay Culays xoogan saartay isku socodka guud ahaan deegaamadaasi,iyadoo Meydadk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhay Deegaanka Gaashaamo ee ay ka dhacay Dil wadareedka ay fuliyeen Ciidamada Itoobiyaanka ahi ayaa daaha ka rogay in Dawlada Itoobiya ay Culays xoogan saartay isku socodka guud ahaan deegaamadaasi,iyadoo Meydadka dadkii la Xasuuqay, qaarna la aasay qaarna wali ay ka dul barooranayaan eheladii ay ka geeriyoodeen,iyadoo dhinaca kalena Ciidamo xoogan la soo dhoobay Xuduuda ay Somaliland iyo Itoobiya Wadaagaan.



Illo-Wareedyo u dhuun daloola Tuuladda Jaamac Dubad iyo Guud ahaan deegaanka Gaashaamo ee Gudaha Dalka Itoobiya ee ay ka dhacday Dil wadareedkii loo gaystay dadkiii Shacabka ahaa ee aan waxba galabsan,ayaa tibaaxay in Wali ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay Dawladda Itoobiy wado,kaasi oo ay kaga hortagayso Kacdoon dad weyne iyo in Dadka deegaanku ku kacaan Aargoosi,waxa ay gabi ahaanba hakad galiyeen isku socodkii deegaanka ay degan yihiin dadka Hayb wadaagga ah ee ay ku dhacday Masiibada dadkii Wadarta loo laayay.

 

 

Wararkan ayaa intaa ku daray in Dadkii ku looday Weerarkii Ciidanka Itoobiyaanka qaar ka mid ah Meydkoodii la aasay halka qaarna ay wali yaalaan oo aan la aasin. Wararka iska soo daba dhacaya ee ku saabsan Qaabkii uu ku yimid Dil Wadareedkii Deegaanka Jaamac Dubad ee dadka badan ku loodeen oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa tilmaamay in ka hor intaan dadka Maatida ah la xasuuqin ay laba gaadhi oo midi yahay Gaadhi SURF ah oo nin qaadle ahi leeyahay iyo Gaadhi UMBELANCE ah oo ay lahayd Degmadda Gaashaamo ay isku dhaceen,iyagoo isku haleelay meel dulaadka Tuuladda ah,waxaana la sheegay in shilkaasi uu qayb wayn ka qaatay muranka isku dhacii dadkii Shacabka ahaa iyo ciidanka Finance-ka itoobiyaanka ah oo Cashuur ka doonayay Gaadhiga Qaadlaha ah,waxaana la sheegay in halkaasi uu dagaal ku dhex maray Dad Shacab ah oo u hiilinayay Gaadhiga Qaadlaha ah iyo Ciidankii Itoobiyanka ah,iyadoo isku dhacaasi uu sababay Dhimashada Mid ka mid ah Ciidanka Finance. Waxa ay markii dambe dalbadeen Ciidankani Xasuuqa u gaystay Dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Wararkii ugu dambeeyay ee Xalay Foore helay ayaa tibaaxay in Salaadiintii iyo Waxgaradkii ugu badnaa ee ka kala gurmaday Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ay ku xaniban yihiin Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya,kadib markii ay Hor istaageen Ciidamo gaashaaman oo ay Dawlada Itoobiya soo dhoobtay Xadka labada dal u dhexeeya.

Dawlada Itoobiya ayaa aad uga cabsi qabta in Kacdoon ciidankeeda lagaga aargoosaanaya uu ka bilaabmo deegaamada dadka Shacabka ah lagu gumaaday waxaanay ay ku soo daad guraysay Ciidankii ugu badnaa ee iskugu jira Liyuu Booliiska Kililka Soomaalida iyo Ciidamo ka tirsan Milatariga Faderaalka Itoobiya.

Warar kale ayaa sheegaya in Salaadiinta iyo Waxgaradkan Xuduuda ku xaniban loo sheegay in Bari aroorta loo siidaynayo inay xadka ka talaabaan.