War Deg Deg Ah:Cutubyo Ka Tirsan Cidamada Qaranka Somaliland Iyo Cidamada Booliceka Gobolka Togdheer Oo Ku Ruqaansaday Xududaha Ay Somaliland La Wadaagto Ethopa.

0
Saturday June 11, 2016 - 13:27:48 in by salman abdi
  • Visits: 894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Cutubyo Ka Tirsan Cidamada Qaranka Somaliland Iyo Cidamada Booliceka Gobolka Togdheer Oo Ku Ruqaansaday Xududaha Ay Somaliland La Wadaagto Ethopa.

    Cutubyo Ka Tirsan Cidamada Qaranka Ee Milatiriga Kamaandooska, Booliceka Iyo Spu Oo Ah Cidamada Booliska Ee Gaarka U Toobaran Ee Gobolka Togdheer Oo Ku Ruqaansaday Xududka Ay Somaliland La Wadaagto Dalka Ethopia Ee Gobolka Togdheer Oo Maalmahi Udanba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cutubyo Ka Tirsan Cidamada Qaranka Ee Milatiriga Kamaandooska, Booliceka Iyo Spu Oo Ah Cidamada Booliska Ee Gaarka U Toobaran Ee Gobolka Togdheer Oo Ku Ruqaansaday Xududka Ay Somaliland La Wadaagto Dalka Ethopia Ee Gobolka Togdheer Oo Maalmahi Udanbayay Isasoo Tarayay Tacadiyo Cidamada New Poolice Ee Kililka Shanaad U Gaysanayeen Dadka U Dhashay Dalka Somaliland Ee Ku Deedsan Xudadaha Somaliland La Wadagaan Ethopia Halka Tuulada Jamac Dubadna Ku Layeen Cidamada New Poolice Ka Dad Shacab Ah Oo Gaadhay 21 Qof,


Cidamadani Isku Jira Malitariga,Kamaandooska Fadhigoodu Yahay Gobolka Togdheer Cidamada Wareega Ee Jiidaha Hore Ee Cidamada Qaranka,Cidamada Booliska Gobolka Togdheer Oo Ay Waheelinayaan Cidamada Spu Ee Gaarka U Tobaran ,Gadiidkoodi Oo Hogaaminayo Badhasabka Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan Qabyotire Jananada Cidamada Qaranka Ee Goobta Maraya Iyo Duqa Burco Maxamed Muraad Ayaa U Anbabaxay Deeganada Xuduudku Maro Ee Balidhiig ,Dhoqoshay,Iyo Duruqsi Ujeedada Socdaalkooda U Yahay Sugida Amaanka Xududaha Somaliland Ay La Wadaagto Dalka Ethopia Iyo Xasilada Amaanka Dadka U Dhashay Somaliland Ee Ku Daadsan Xududaha.

Cidamadan Kale Duwan Iyo Masuliyintan U Hogaaminayo Badhasabka Gobolka Togdheer Ayaa Saaka Ka Jarmaaday Magalada Burco Iyaga Oo Usii Jeeda Deganada U Maro Xudadka Somaliland Iyo Ethopia Waxana Kale Oo Waftigani Ay Ku Hakan Donaan Degaanka Duruqsi Oo Ay Ay Usoo Qaxeen Dad Gaadhay Boqol Qoys Oo Kasoo Baxay Deegaanka Jamac Dubad Ee Lagu Layay Dhawaan Dadka Oo Isugu Jiro Dumar Iyo Caruur Gaadhaya 21 Qof Oo Asal Ahaan Kasoo Jeeda Somaliland Halka Qof Dhawacana U Yaalo Cusbitaalka Magalada Burco,


Cidamada New Poolice Ee Kilalka Shanaad Ee Dalka Ethopia Ayaa Mudooyinkii Udanbayay Tacayadiyo Tiro Badan Ku Samaynayay Dadka Ku Sugan Deeganada Ku Teedsan Xududaha Somaliland Iyo Ethopa Ay Wadagaan Halkaas Oo Deegaanka Balidhiig Ay Maalinti Shalay Ku Gubeen Calanka Somaliland Oo Ka Dhalatay Xiisada Adagi Isla Markaana Hanjabaadu Ujeediyay Dadki Dagana Degmada Balidhiig Halka Ay Cidamadani New Pooliceku Soo Dhoobeen Ciidamo Farabadan Xududka Ka Dib Intii Ka Danbaysay Tuulada Jamac Dubad Oo Ay Ku Layeen 21 Qof Oo Ka Mid Ahaa Dadka Degaankaasi Dagaanaa.

Isku Soo Wada Duubo Lama Oga Mudada U Qaadan Doono Socdaalka Waftiga U Hogaaminayo Badhasabka Gobolka Togdheer Marka Laga Reebo Wararka Naga Soo Gadhayaa Deeganadaasi Ee Shagaya In Waftigani Ay Ku Sugaan Donaaan Maalmo Se Cidanku Ay Joogi Donaan Xudadaha Somaliland Si Ay Usugaan Amaanka Dadka Deganadaasi Ku Sugan.